faarax Macalin oo shaaciyay hadal aan laga fileeynin (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee barlamaanka Kenya Mudane Faarax macalin ayaa waxaa uu ka hadlay sababtii uu uga qeyb qaadan waayay soo dhaweyntii magaalada Jig Jiga loogu sameeyay mas,uuliyiin iyo ciidan ka tirsan Jabhada ONLF.

Mr Macalin ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxaa uu ku soo qoray in uusan Jirin siyaasi soomaaliyeed oo kaga dhow garab istaaga loo sameeyay Ururka ONLF intii ay dagaalka kula Jireen dowladihii hore ee Itoobiya.

Waxaa uu isweydiiyay halka ay Jireen siyaasiyiinta Jig Jiga ku soo dhaweeyay ONLF markii hore kuwaasi oo uu tilmaamay in xitaa ay awoodi waayeen in ay afkooda ku Difaacaan.

Faarax Macalin ayaa ugu danbeyn sheegay in ruux Ajnabi ah uusan soo dhaweyn karin nin gurigiisa ku soo laabanaya,taasi oo uu ula Jeeday in aysan macno laheyn soo dhaweynta ay siyaasiyiinta kenya u sameeyeen ONLF.