Faarax Macalin oo Runta u sheegay Kheeyre”Waad ku fashilmi mooshinka aad wado”

Reading Time: < 1 minute

Faarax Macalin ayaa sheegay in faragalinta dalal shisheeye ay ka dambeeyso mooshinka laga keenay gudoomiyaha barlamanka soomaaliya .

Wuxuu sheegay in markii laga hadlay arinta dekada ber bera ay timid in ay kala qaybsamaan xildhibaanada soomaaliya taasi oo cadayn u noqonaysa xiisada farogalineed ee xiligan lagu hayo soomaaliya

Sidoo kale waxaa uu digniin u diray R/wasaaraha dowlada federaalka ah ee soomaaliya xassan cali kheeyre,waxuuna sheegay in ay tani tahay masiibo aan loo dul-qaadan kareeyn

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed shiikh cusmaan jawaari ayuu ku booriyay in uu adkeeysi yeesho islamarkaana uu Codka ku kalsoonaado