Faarax Macalin oo Muqdisho u Yimid in uu Dacaayadeeyo Imaaraat-ka iyo Farmaajo Iyo Kheeyre oo U Balanqaaday!!

Reading Time: < 1 minute

Faarax Macalin ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Dalka Maxamed c/laahi Farmaajo iyo R/wasaare Xassan Cali Keeyre Kullanka ayaa la Rumeeysan yahay in u jeedkiisu uu ahaa in Lagu qanciyo Faarax in uu Imaaraat-ka Dacayadeeyo.

Bartiisa Twitter-ka waxaa uu Dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay ku qoraayay Warar Been abuur ah oo uu Imaaraat-ka ugu gafaayo,waxaan kasoo qaadan karnaa Labadaan Sawir”

Faarax macalin waxaa uu caan ku yahay Aflagaadada aan Geedka loogusoo gamban oo uu marwalbo kala duldhacao Shaqsiyaadka ay is-haayaan,Waxaana marwalbo lagu Tuhmaa in uu Danta Kenya Ku Saldhigo Arimaha soomaaliya.

Wasiirka Wasaradda Duulista Hawada Soomaaliya oo Faarax Macalin loo diray ayaa Garoonka Aadan Cadde Markii uu kusoo dhaweeyay sheegay in ay Howl Culus qaban doonaan taasi oo laga Fasiran karo Wax walbo

Talaabadaan Ayaa waxaa ay ceeb weeyn ku ahay Dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo