(Faalo) sadax sano ka dib, Kheyre oo markale ruwaayad indha-sarcaad ah u dhigaya shacabka!

Reading Time: 2 minutes

Xasan Kheyre ayaa ka sheegay kulankii golahiisa wasiirada oo lagu qabtay aalada  la iska-arko in dalka uu u diyaar-garoobayo in doorasho ka dhacdo.  Kheyre oo mudo ka badan sadax sano been iyo faan aan sal-lahayn ku soo waday dowlada Soomaaliya ayaa hadalkiisa waxa uu ahaa mid uu ka lahaa ujeedo gaar ah, isla markaana aan ka tarjumaynin xaqiiqda ka  jirta dalka.  Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waa in ay si degan u dhuuxaan hadalka ka soo yeeray Kheyre ee la doonayo in lagu indha sarcaadiyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhowr sababood awgood ayaana keeynaysa in aan marnaba la rumaysan baaqa uu  ka jeediyay Kheyre:

  1. Maxaa keenay in iyada oo sadax bilood ka hartay doorashada Xildhibanada dooran lahaa madaxaeeynaha isla markaana 7daba biloodna ka hartay doorashada Madaxweynaha in uu markii ugu horeeysay mudo sadax sano ah uu sheego in ay doorasho dalka ka dhacayso
  2. Hadalkiisa waxaa ka mid ahaa “in aan isku dayno sidii aa dalka ku gaarsiin  lahyn doorasho”, taas oo macnaheedu yahay waqti hadii aan waqti nagu yaraado waan ku darsanaynaa. Marnaba ma soo hadal qaadin in doorshada la qabanayo xiligii loogu talagalay!!!!!!
  3. Ujeedada dulucda hadalkiisu waxa uu yahay in shacabka iyo siyaasiyiinta kacsan lagu dajiyo laakiin aan marnaba doorasho xiligeeda lagu qaban.
  4. In isagu baahiyo in xiligaan kala guurka ah  doorasho dalka ka dhacayso, si uu mustqabalka marqaato ugu qabsado in ay ka go’anayd dowlada in  ay doorasaho qabato laakiin waqtigu u saamixi waayay qabashada doorashadaas.
  5. Iyo ugu danbeeyntii isaga oo qorshaynaya in uu safar ku tago Dowlad Goboleedka Puntland, hadalka uu jeediyayna uu ku doonayay in madaxda reer Puntland lagu qanciyo in ay ogolaadaan safarkiisa maadaama ay dowlada ku “dhawaaqday” in doorasho dalka ka dhacayso.

Sadaxdii sano ee uu  dalka ku dhaqayay  beenta ka dib, shacabka Soomaaliyeed waa ay soo jeedaan, waxaana shaki ku jirin in hadalka indha sarcaadka ah ee uu ka jeediyay golohiisa wasiirada uu noqon doono mid isaga dib ugu soo noqda.

Dhanka kale,  xisbiyada mucaaradka iyo madaxda dowad goboleedyadu waa in ay dib u raacaan taariikhda mugdiga  ee Xasan Kheyre inta ayan rumaysan qayaanadii  ugu danbeeysay (last trick)  ee uu ku sameeyn lahaa qaranka Soomaaliyeed inta husan dhicin waqtigiisa.