Markii aan raadraac taariikheed ku sameynay waxyaabaha xukuumadaha dalka soo maray ridi jiray marka laga soo bilaabo tii Aden Cadde ee Lixdamadka ilaa tii Farmaajo oo ay tii hore oo Xasan Sheekh ay ku jirto hal wax ayaa wada riday ama keenay inayaan talada ku soo noqon laba muddo xileed.
Halkaas arrin ayaan rabnaa inaan farta ku fiiqno si ay cashar ugu noqoto xukuumaddaan iyo kuwa ka dambeeya.
Inta badan dadka marka ay xukuumad maqlaan waxaa madaxoda ku soo dhaca gaar ahaan kooxaha ay wax u kala baxsan yihiin laanta fulinta ama Wasiirka koowaad iyo kooxdiisa, laakiin dowladda oo dhan waa hal lakab oo uu madaxweynaha ugu sarreeyo.
Arrinka xujada ridi jiray xukuumadah waxaa uu ahaa:
Khilaaf soo kala dhexgala Madaxweynaha, kooxda la soo shaeysay iyo Wasiirkiisa koowaad kadibna ay kooxdii dagaalka soo wada gashay ee guusha wada dhalisay ay kala furtaan iskuna dhacaan.
Xukuumaddii MW Aden Cadde
MW Aden Cabdulle Cisman waxaa uu RW u magacaabay markii la guuleystay Cabdurashid Cali Sharmarke oo ay soo wada dadaaleen soona wada dhsiteen dowladda. Hasa yeeshee waxaa is qabsi ka dhex dhacay kooxdii guusha wada gaartay, gaar ahaan Aden iyo Cabdurashiid , kadibna waxaa uu Aden u magacaabay RW Cabdirisaq Xaaji Xuseen oo intii uu dowladda ka ahaa R/Wasaare dagaal kula jiray Aden, sababayna in MW Aden looga adkaado Doorashadii 1967 oo waliba hal cod uu uga adkaado ninkii uu isaga eryey ee Cabdurashiid Cali Sharmake.
Tii MW Maxamed Siyaad
Isagana markii u dambeysay ee uu ka wareegay raggiisii ee uu RW Ka dhigay Maxamed Xawaadle Madar waa uu ku dhacay oo waxaa uu ina Xawaadle ka shaqeeyey inuu xukunkii dheeraa ee kooxdii 25ka sarkaal wada dhaliyeen uu halkaas ku soo afjarmo, waxaana laga yaabi lahaa haddii uu golihiisii kula noqon lahaa inay talada sidaas ka duwanaan lahayd. MW Cabdirashiid waxba lama sheegi karo, inkastoo khilaaf loo dilay.
Tii MW Cali Mahdi
Waxaa uu ka booday raggii ay halganka isla soo galeen oo ay guusha wada dhaliyeen waxaanu RW u magcaabay Ruux aan halganka shaqo ku lahayn,Cumar Carte Qaalib, halkaana waxaa ka bilowday isku dhacii ugu dambeynta dad badan galaaftay oo haddii la tshan lahaa kooxii soo wada halgamay waxaa laga yaabi lahaa inuu ku dhamaan lahaa si kaduwan sida u uku dhamaaday.
Tii MW Cabdiqasim
Isagana waxaa dilay markii uu k tagay ninkii dadaalka la waday oo ay isla soo riixeen muddo ee Dr Cali Khalif Galeydh, waxaanau ku badalay Xasan Abshr Farax kaas oo ka shaqeeyey sidii Cabdiqasim uu talada uga wareegi lahaa, akhirkiina ka tuuray oo dowladdii ka kala daadiyey.
Tii MW Cabdullahi Yusuf Axmed
Waxaa la shaqeeyey oo dadaal badan ku bixiyey Maxamed Dheere, kadibna u keenay Cali Maxamed Geedi, hasa yeeshee Cabdullahi Yusuf intuu haysan waayey ayuu ku badashay Nuur Xasan Xuseen -Nuur Cadde kaas oo aan wax kale shaqeynin inta waqtiga ka dhiman inuu Cabdullahi Rido maahee kaasoo aakhirkiina ku guuleystay inuu ka takhaluso.
Xukuumaddii MW Shariif Sh Axmed
Waxaa hawsha la bilaabay si fiicanna ula waday Cuamr Cabdurashiid oo ay muuqdeen laba nin oo is dhameystiri kara, hasa yeeshee Farmajo iyo Cabdiweli oo mid waliba uu Kadab go’iisa siyaasadeed MW Shariif ka shaqeeyeen ayaa ku dambeeyey inuu lumiyo talada oo Xasan Sheekh xaska uag soo baxo,hakaasna uu guul kala hoydo.
Doorkii Hore ee MW Xasan Sheekh
MW Xasan Sheekh Raggii ay dadaalka soo wada galeen waxay u dooreen inuu Sacid oo ahaa qof aad u wanaagsan iyo inay la shaqeeyaan hasa yeeshee markii kooxdii ay dhexdooda iska qabsadeen iskuna diideen in uu Saacid sii joogo ayaa waxaa lagu badalay Cabdiweli Sh Axmed oo la ogaa tii lagala kulmay iyo halka lagu kala baxay, waxaana ku xigay Cumar Cabdurashid. Labadaba ka ma mid ahayn kooxda Xasan Sheekh ku dhoweyd oo ay guusha iyo in talada xukunka dalka lagu guuleysto ka soo wada shaqeeyeen, waxayna keentay in qof waliba uu goonidiisa u shaqeysto halkaasna lagu waayey taladii loo soo wada shaqeeyey oo doorashadii uu Farmajo qaato.
Ti MW Farmajo.
Farmajo isaga waxaa uu kaga duwanaa inta kale isla markii ayuu jid khalad ah ku bilaabay oo Kheyre oo uusan aqoon ayuu keensaday, waxaana mar waliba jiray is maandhaaf uu muddo la xanuunsanaa Farmajo oo ugu dameyntii soo karay, kuna abuuray inuu noqdo doorasho diid waayo wuxuu u arkayey inuusan talada haynin muddo ku filan, waana la wada ogyahay halkii uu ku dambeeyey Farmajo.
Gabagabo
Haddaba su’aash waxay tahay habdhaqankaas soo jireenka ah ee Madaxweyne waliba ridayey wax ma laga baran doonaa oo talada hadda wadaagga loo haysto iyo masuuliyadaha lagu texay dadkii soo halgamay ma lagu wada dhameysan doonaa misa qof waliba maalinta xilka uu waayo ayuu wixii uu soo dhisay dumintooda shaqeyn doonaa?
Haddii ay kooxda kala furato waxaa la hubaa waxa dhaxalka uu yahay oo waxaa har cad lagu lugeynayaa waddaadii tii hore lagu waayey, haddiisa kugusan iyo adiga kugusan lagu dhameysto waxaa la hubaan in qarankana wax badan loo qaban karo xukunkana lagu sii negaan karo iyadoo aan wax culeys ah la dareemin, sidaasna aan doorashodiid lagu noqon.
Inta badan shakhsiyaadka guusha wadareed ma fiiriyaan waxay fiiriyaan tan shakhsiyadeed oo haddii xilka laga wareejiyo illeyn waa meertee mid kale lagu eego dadka qaar ayaa carooda oo bilaaba inay dhagxo soo tuurtuuraan kadibna waxa oo dhanna isla dumaan. Kooxdaan soo yaalka wax ma ka kororsan doonaan oo ma sii wada joogi doonaan niyad ahaa xataa xilalka la waayo.
Isku soo duub, waxa hadda la dareemayaa inay hawlaha dowladda oo dhowr bilood ka hor laga dareen qabay hadda loo hamuun qabo inay horukac muuqda sameyn karaan kooxda hadda u muuqatay inay dalka isku koobtay, balse la arki doonee inay qoraalka oo dhab ka hadal ah wax ka bartaa, iyagoo ku kabanaya sooyaalka 60ki sano ee tagtay laga bartay isku dhaca kooxda halganka wada gashay ee guuleystay sida ay ukala guran karaan taladana u waayi karaan,marka MW iyo RW ay isku dhacaan dad kala ceshadaana ay waayaan.Ismaaciil Mire ayaa lagaa hayaa…
Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e
Waxse kadabkii go’ay maalintuu kaday raggiisiiye
Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Muqdisho Online.