Waxaynu dhamaanteen usoo joognay dhiilada, walaahoowga & iska daba wareegii Baarlamaanka ee huqda & calool xumada ku reebay shacabkii Soomaaliyeed ee rajadu usoo bidhaantay. Haddii aan si kale hadalka u dhigo, waxaa ummadda Soomaaliyeed rajo-beel & hawo-hankaag ku riday in golihii sharci-dajinta ee dalkeenu, uu mudooyinkaan dambe u midab ekaaday, gole si dadban ay u maamulaan madaxda sare ee dalku. Aniga oo ka duulaya dareenkaas ayaan sanad kadib mar kale ajandaha labaad ee safarkaygii Xamar ka dhigtay inaan soo hubsado, bal xildhibaanadii kala irdhoobay xaalkoodu waxa uu ku dambeeyay.
Xubnaha ugu badan ee baarlamaanka:- waxaan soo ogaaday in xubnaha ee baarlamaanku ay weli yihiin kuwo gunta ka goynaya geedkii ay hadhsanayeen. Sidaa waxaan u leeyahay inta wariisada ah ee xilalkooda ilaashanaya kolka aanba xaggaa iska dhigno. xildhibaanada intooda kale marna waxaysan garanin inay isku duubnaadaan, si gooniya oo xor ahna ay banaanka uga istaagaan, daba-maryeynta dastuurka, duminta golaha shacabka, dibin-daabyeynta sharciga & fulinta damaca siyaadeed ee madaxda sare ee dalka.
Waxaa isku milmay oo awoodooda maanta aan sina loo kala sooci karin, kuwii aan xasaanadda lahayn ee xilalka loo magacaabay & si dadbanba haku yimaadeene xubnihii xasaanadda lahaa ee oday-dhaqameedkeenu ay noo soo xuleen, magacooduna ahaa “xeer-dejin” kana mid ah awoodaha dalka ugu sareeya. Ayaan-darada dhacday way ogyihiin awoodooda, wayse aamini la’yihiin. Sidoo kale hormuudkii ama guddoonkii gollaha shacabku sida ay u dhanyihiin waxay noqdeen kuwo ka indha qarsaday awooddii uu dastuurku siiyay, lex-jeclona aan u haynin dalkooda iyo dadkooda. Sidoo kale waxay ku sifoobeen kuwo aan sariigasho lahayn, oo saqda dhexe u kala dhuunta rag ay magac ahaan simanyihiin, sharci ahaanna ay ka sareeyaan.
Cadaalada ayay ku jirtaa inaan caddeeyo in weli ay jiraan xildhibaano tiro ahaan kooban, tayo ahaanse la loodin waayay oo lex-jeclo ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda awgeed, aan maalin qudha afka isku qabanin, & qaar kale oo ka indha-qarsaday xushmad darada dhex-taala xaruntii golaha shacabka.
Guntii & gabagabadii, saansaanka uu Baarlamaankeenu saaka leeyahay waxaan sal-dhigay uga dhigay sheekadii Juuxaa. Nin socoto ah ayaa soo maray Juxaa oo geed uu saaranyahay gunta ka goynaya. Ninkii waxa uu ku yidhi war geedkan aad gunta ka goynayso waad saarantahay, waad isla soo dhacaysaan, ee saansaan kale la imoow oo sidan ka daa. Juxaa dhag jalaq uma uusan siinin oo hawshiisi ayuu sii watay ilaa isaga & geedkii ay dhulka iskula soo dhacaan. Juxaa ninkii socotada ahaa intuu ka daba tagay ayuu ku yidhi ninyahow inaan geedka kasoo dhici doono kol haddii aad ogaatay, wax badan ayaad ogtahay ee goorta aan dhiman doono ii sheeg.
Ninkii socotada ahaa waxa uu ku yidhi waxaad dhiman doonta kolka dameerkaagu dhawaaqo. Dameerkii kolkii uu dhawaaqay Juxaa ismaba waalin ee godkiisi intuu qotay ayuu iilka garab seexday. Dad socoto ah oo soo maray Juxaa oo godka garab jiifa ayaa weydiiyay, war Juxaayoow magaalada jidkee loo maraa? Waxa uu ugu jawaabay barigii aan noolaa dhankaas ayaa loo mari jiray. Hadda haddii ay ahaan lahayd barigii baarlamaanku uu noolaa ma dhacdeen, Muudeeygii aan ogayn ee Baarlamaanka dumiyay in magac loo yeelo, maamuus soo dhawayna loo sameeyo. Dhacday ee ma dhulka ayaa la leefi.
Hadal & dhamaan, mid xil ilaashanaya, mid xoolo doon ah, mid xalaal dhaqad ah & mid sharciga xeerinaya intaba magacaagu waa xildhibaan, hal geed oo golaha shacabka loogu magac daray ummad dhanna ay kusoo hiranayso ayaad hadhsanaysaan,, ee xildhibaan gunta haka goynin geedkan aad hadhsanayso. Kala arag duwanaantiinuna yaysan noqon mid idin kala dirta, danta ummaddana dalow dheer ka tuurta.
W/Q Aqoon yahan: Axmed Maxamed Xasan