Faallo: Xil.Wasiir Goodax oo Gefkiisu batay : “23% Xildhibaanada Golaha Shacbiga waa wakiillo Shabaab”

Reading Time: 3 minutes

Wasiirka Waxabarashada ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacbiga, islamarkaana yaqaanna xeer hoosaadka Goalaha iyo disturka dalka ayaa halkaas ka shegay in dhammaan xildhibaanada diiday in saxaafadda bannaanka loo saaro marka goluhu ka wareysanayo saraakiisha iyo Masauuliyiinta Amniga xaallada amni ee dalka oo sii xumaaneysa.

Wasiir Godax ayaa hadalkaan saxaafadda u jeediyey isagoo u muqday inuu gubinayo farriin uu ka siday madaxda sare ee dalka, taas oo ah a) in xildhibaanada hogaaminta dalka uga aragti duwan kooxda ay dowladdu wadato inay yihiin Shabaab iyo b) amar ah inay laamaha amaanka qaarkood oo beryahan gacan ka hadal looga shakisan yahay ay tallaabo ka qaadaan xubnahaas.

Guud ahaan sharciga golaha ma qabo in saxaafadda la saaro maadaama dalku u yahay dimoqraadi ah oo uusan ahayn waddan kaligii taliye xukumo ahayn, balsa hadda ku socdaa jidkaas si tartiib tartiib ah.

Waxyaabaha amakaagga leh waxaa ka mid ah in xildhibaan ah mas’uul wasaaradeed uu ku sheego xildhibaanno ka aragti duwan inay yihiin Shabaab. Waa xaqiiq in hadalkan uu yahay meel ka dhac weyn oo uu xildhibaanku geystay, uuna mudan yahay in lagula xisaabtamo oo ay tallaabo ka qaadaan guddiga anshaxa ee golaha shacbiga isla markaana ay sharciga la tiigsadaan kooxdii 62 ka ahayd ee uu ihaaneeyey, haddii waxaa hubaal ah inay yihiin kana baqayaan in iyaga uu ku caddeeyo haddii ay uga aamusaan. Sidoo kale saxafadda ayaa laga rabaa inay arrinkaan dadbgalaan haddii kale berr iyaga ayaa shabaab lagu sheegi doonaa oo dariiqyada uu Sadiq Joon ku dili doonaa.

Haddii 23% ay xildhibaanadu yihiin Shabaab hadda MW Farmajo waxaa doortay shabaab mana jirto sabab Shabaab oo qeyb ka mid barlamanka iyo madaxweyne ay doorteen ay dalka xukmaan in la hadda laga celin karo inay inta u dhiman ku darsadaan oo uu dalka madaxweyihii ay doorteen uu u gacangeliyo.

Haddaba Xildhibaan Goodax oo aan ku jirin wasiiraddii ay wasiirnimadiisa ansixiyeen golaha shacbiga waxaa laga rabaa in:

  1. Uu cudurdaar ka bixiyo eedeynta weyn ee uu u soo jeediyey xildhibaanno galaha shacbiga ku jiraa oo uu ku sheegay inay Shabaab yihiin isagoo waliba tilmaamaya mid ka md xildhibaanada oo farta ku fiiqaya.
  2. Noo caddeeyo xildhibaanada shabaabka na dilaya maalin walba ee haddana golaha shacbiga noo dhex fadhiyaa, kuwaas oo uu waliba khater geliyey noloshooda haddii ay been tahay , isagoo u muuqday inuu bixinayo baaq ama tilmaan.
  3. Guddiga anshaxa inay ka qaadaan tallaabo ku haboon maadaama uu yahay xildhibaan aan mar waliba u meel u dayin erayadiisa.
  4. Uu iska casilo xildhibaannimada maadaama uusan lahayn haybadeedii mar haddii uu wuxu rabo iska sheegayo.

Maxay la isku qabsaday Maanta?

Waxa la isku qabsaday ma ahayn in laga doodo arrinta amniga, inkasta oo uu Goodax rabay inuu hadalka u dhigo si marmarsiiyo uu ugu helo gefkiisa ee waxay ahayd saxaafadda goobjoog ma ka noqoneysaa oo shacbiga ma loo tabinayaa marka la wereysanayo mas’uuliyiinta xilalakooda gabay ee magaalada caasimadda ah jilbaha dhulka u dhigay Misa bannaanka ayaa loo saarayaa?

Arrintaan waxaa watay oo isku soo raacay habeen ka hor guddoomiye Mursal. RW Kheyre iyo Fahad Yasiin oo ka cabsanaya Kamerayaasha si aan loo arag maadaama uu yahay ruux is qarinaya.

Fahad oo ay xataa la yaab tahay inuu dalka Marekanka aado isagoo la ogyahay inuu yahay ruux si weyn ula shaqeeya Shabaab. Dadka deggan Mareykanka ee Somalida ah ee ay ehelkooda shabaab dhibaateeyeen ayaa laga soo sheegayaa inay qabsan doonaan Fahad haddii uu cag dhigo Mareykanka.

Dhinaca kale kuma jirin ajendaha shirka qodobkan ah in saxaafadda shirka golaha bannaanka laga geeyo mana jirin sabab cod loo geliyo  wax aan ajendaha ku jirin tan oo muujineysa ku tumashada xeerarka iyo Distuurka dalka ee uu sameeyey ruuxa Mas’uulka ka ah golaha shacbiga.

Isku soo duub Waxaa muuqata in Somaliya ay markale geli doonto xaalad dagaal oo aad u adag kadib markii shacbiga ay gaaraan meel ay u adkeysan waayaan gabood fallada joogtada ah ee ay madaxda hadda joogtaa kula kacayaan. Maalin dhoweyd waxaa uu Kheyre xoog ku furay aqalka Sare, maantana Mursal waxaa uu xoog uga eryey saxaafaddii kulankii golaha shacbiga, markii lagu qabsadayna uu xertay golihii, isagoo xanaaq uu ka muuqdo wajigiisa.

MW Maxamed Siyaad waxay dadku ku kaceen-dagaalka sokeeye ee ilaa maanta aan ka soo kabsan la’anahayna uu noogu dhacay- markii uu Xamar gantaallo u qeybiyey oo uu qof waliba gareystay inuu kala doorto inuu dhinto isagoo dagaallamaya ama uu ku dhexdhinto ilmaha iyo haweenka dhexdooda, waxayna dadku doorteen tan hore oo ahayd inay dhintaan iyagoo xorriyadooda u dagaallamaya.

Haddaba qofka laga jaray dhammaan jidadkii nolasha ee ay haweentiisu jidka ku umuleyso, mushaarkii yaraa laga goostay oo ay caruurtii ka gaajoon yihiin, Shabaab ay xabbad iyo qarax la daba taagan yihiin, waayeelkii dhalay ee xanuunsanaa aan cisbitaal la gaarsiin Karin maxaa u haray oo Sharaf ah oo aan ka ahayn inuu goboanimo iyo xorriyad helo ama isagoo dagaallamayaa uu dhinto? Waa xaalka qofka Somaliga ah ee Xamar maanta ku nool waxaana ka soo socota khater weyn oo xataa beesha Caalamka ee dalkan hawl badan ka soo qabatay aan u muuqan wali.

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=8qV-8hNBVW8[/embedyt]