Faallo: UAE Ma Jidkii hore ayey Mari Doontaa Misa Waxbey ka Baran Doontaa?

Reading Time: 3 minutes

Afar sano ka hor ayeey ahayd markii dowlada Iskutaga Imaaraadka  Carabta ay lacago lagu qiyaasay $12 Milyan u qaybiyeen madaxdii dowlad goboleedyada Soomaaliya ee xiligaa jiray. Lacagtaas ayaa ahayd  mid loogu talagalay in madaxda Dowlad Goboleedyada ku soosaaraan xildhibaano u codeeya madaxweyne ka soo jeeda Beesha Daarod , waxaana laga dheefay xaaladda hadda uu ku sugan yahay Xiriirka Somaliya iyo Walaalaha Imaaraadka.

Lacagtii boorsadaha looga soo buuxiyay madaxdii dowlad goboleedyada iyo qaar ka mida mucaaradka dowladii ee la doonayo in lagu fuliyo ujeedadii ay horay u iclaamisay  dowlada Imaaraadka ayaa waxaa mar-qura lagu shubtay bangiyo iyo koontooyin ay lahaayeen Madxadii Dowlad Goboleedyada, inta badanna lacagtaas guryo ayaa looga iibsaday dalalka Kenya iyo Turkiga oo xataa Imaaraadka lagulama noqon lacagtii laga qaatay.

Doorashadii 2017 waxa ku soo baxay Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan isagu ka helin wax lacag ah dowlada Imaaraadka. Dhanka kale dowlada Imaaraadka ayaa waxa dhankeeda karaamo daro ka raacday shacabka Soomaaliyeed oo u arkay talaabada ay qaaday Dowlada Imaaraadka mid lagu burburinayo qaranimada Soomaaliya.

Tallabadii ay waqtigaas qaaday dowlada Imaaraadka waxaa ay fursad siisay wadadamada kaga soo horjeedo siyaasaddeeda eee Soomaaliya  sida Qatar oo lacagteeda hal tartame -Maxamed Cabdullahi Farmajo duldhigatay kuna soo saaratay, waxaana ku xigay inuu Somaliya ka eryo UAE. Imaaraadka waqtigaas iyo ilaa iyo hadda waxay sax u akhrin la’ayihiin qabiilada Somalida iyo awoodda degaan iyo dhaqaale cidda gacanta ku hayso.

2016 dowlada Imaaraadka waxay u gacan-gashay kooxo qowleysato ah oo iibsanaya sharafkii Imaaraadka iyo kan Soomaaliya, waxayna lacagtooda ku u bixiyeen si baahsan oo uu qofna la tartami Karin qofka ay Qatar wadatay oo waxeeda dhan ay isugu geysay waa Farmajee.

Haddaba haddii ay markale imaaraadka ku dhacaan dabinkii hore ee ahaa mid waliba xoogaa u tuur waxay mareysaa waddaddii ay shalay martay oo Qatar iyo cidda ay wadato ayaa ka guuleysanysa, laakiin haddii lucbada (ciyaarta) Fahamaan waa muu qataa inay si sahal ku guuleysan karaan oo garab u noqon karaan shakhsi la hubo inaysan ku ceeboobeyn oo aan farahana dhiig ku lahayn sida Farmajo iyo Kheyre ama aan dool ku ah caasimadda inay maalgeliyaan waxay la mid tahay iyagoo xeebta badda beero ka maalgelinyey kana sugaya khudaar iyo badar fiican.

Sida dowlada Imaaraadka u wajaheyso doorashada Soomaaliya, ayaa u muuqata mid fashil ku dhamaan doonto, siina badin doonta cadaawada ay shacabka Soomaaliyeed u qabeen siyaasadda Dowlada Imaaraadka ee ku wajahan dalka Soomaaliya oo Ła gelisiiyey ama la ogoleysiiyey.

Anwar Maxamed Qarqaash Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeeyay Dowladda Qadar in ay ka dambeysay Khilaafka soo gala dhex galay dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Laakiin dhabtu waxay tahay waxaaa ka dambeeyey habdhaqanka siyaasadeed ee ay Imaaraadka qaateen oo waxay awoodi waayeen inay soo saaraan shakhsi dalkana u dan ah, isla markaan xusuusan wannaagii faraha badnaa ee ay UAE ummadda Somaliyeed u sameysay.

Dadka Somaliyeed waxaa la geliyey feker ay Qatar wadato oo ah inay Somaliya kala qeybineyso Imaaraadka, waana dacaayad. Ma jiro hal mashruuc oo ay Qatar Somaliya ka fulisay waxaasa jira kaalmooyin aan tiro lahayn oo ay shacbiga Somalyeed siiyeen Imaaraadka iyo mashariic macno leh sida tababarka Ciidanka iyo Dhismaha iyo qalabeynta xerada Jen. Gordon oo muuqa. Sidoo kale markii xaaladdu adkeyd ee irrid walba nalaka soo xertay UAE waxay noo furtay caloosheeda.

Sidaas darted, UAE waxaa laga rabaa haddii ay Somaliya kaalmeyneyso:

  1. In Qatar iyo dabadhilifyadeeda sida Farmajo, Xasan Kheyre iyo Jaajuuskeeda Fahad inay Meesha ka baxaan.
  2. UAE waa inay fahamtaa in ay u baahan tahay inay la shaqeyso hogaamiye leh aragti walaalnimo lehna khibrad hogaamineed Soomaalina dhex dhiga kara dib u heshiisiin dhab ah, kaasoo sumcad ku dhex leh bulshada, Tartame aan Faraha dhiig ku lahayn sida dadkii Baydhabo lagu laayey aan loo haysan dhiibistii Qalbidhagax iyo gafaf bani-aadaminimmo oo lala sugayo maxkamdo caddaaladeed.
  3. In aysan noqon daawade hadhow ka shallaaya waxa uu qaban karay oo uusan qaban oo maanta dhib iyo magacxumo ku ah, waana inay taageeraan qofka leh sifooyinka aan soo sheegnay.

Haddii kale wareysigaan calaacalka ee caloolxumada ku ah ummadda Somaliyeed ayuu markale bixin doonaa Walaalka sharfan ee Wasiir Anwar oo yiri: “Haddii qof ku kaalmaynayey 20 -25 sano ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa, ma aha in aad qabsato 47 Askari oo iimaaraadka u dhashay oo ciidamada tababaraya, oo ku dhawaad 10 Malyan oo Dollar oo ah wixii ku baxayey ciidan badan oo Soomaali ah siday, oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tiraahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xiran, maya, maya, sidaasi hawsha kuma dhamaanayso, Waa in arrintu cadaataa” Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta.Xiriirka labada dhinac ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Qatar iyo Qawlasateeda Xamar u joogaa ee Fahad, Kheyre iyo Farmajo ay la wareegeen lacag 10 Malyan oo Dollar ku dhow oo lagu qabtay garoonka dayaaradaha ee Muqdisho.