(Faallo) Qorshaha doorashooyinka ee MW Farmaajo iyo Xalimo Yarey ma u shaqeyn doonaa “MISE”

Reading Time: 2 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.

Xogo Qarsoon oo soo gaaray MOL aya sheegaya  in kooxda ololaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo ay miiska saareen siyaasad cusub oo  la rabo in lagu maareeyo nidaamka Doorashada Dalka 2020 / 2021 isla markaana laxaqiijiyo doorasho saamixi karta soo noqoshada Madaxweyne Farmaajo.

Sida Muqdisho Online ogaatay waxaa dhawaan isbadal lagu sameen rabaa Agaasimaha NISA , Fahad Yaasiin waxaana booskiisa lagu badali doona Abdullahi Kulane (Jiis Mareexan) wiilka uu adeerka u yahay Madaxweyne Farmaajo, sido kale Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS wuxuu magacaabi rabaa shaqsi magaciisa layiraahdo Mukhtaar Qoraanse waxaana loo magacaabi rabaa Agaasimaha Guud Hey’ada Diiwaanka ID Qaranka.

Sida MOL ay ogaatay magacaabista labadaan shaqsi ayaa asal dhig u ah qorshaha lagu doonayo in looga shaqeeyo siyaasada la doonayo in markale Madaxweyne Farmaajo uu talada dalka ku qabto.

Mukhtar Qooranse oo horay baxsad uga ahaa NISA maadama uu lunsaday lacag gareyso USD$1.3 Milyan oo doolar  isla markaasna dalka isaga tagay asagoo xil wareejin aan sameyn. Lama oga sida suurta gal u tahay masuul looga bartay wax isdabamarin in lagu aamini karo xilka Agaasimaha Guud ee bixinta ID Qaranka.

Abdullahi Kulane (Jiis Mareexaan) wiilka uu adeerka u yahay Madaxweyne Farmaajo oo marar badan warbaahinta gudaha & dibada ay tabisay in uu xiriir wadashaqeyn kala dhaxeeyso Amiirka Alshabaab Abu Cubeyda  qeybna ka ahaa qaraxyo & dilal qorsheyda oo laga fuliyay soomaaliya uu lahaa Maskaxdii ka danbeeysay, Hadaba waxaa layaab leh sida ay suurta gal ku tahay in shaqsiga noocaas ah loo magacaabo Agaasimaha Guud ee NISA shaqsi Halis ku ah Amniga Qaranka &  midka siyaasiinta mucaaradka DF.

MOL oo heshay macluumaadka kusaabsan howlaha ugu horeeyo oo ay qaban doonaan labadaas masuul ayaa ah in ay diiwaan galiyaan 2 ilaa 3 Milyan oo Muwaadiniin Soomaliyeed kuwaaso isugu jira kuwa ku barakacay gudaha Soomaaliya & Qoysas danyar ah  oo ku nool nolosha faqriga . si ay uga qeyb qaataan doorashada uu Madaxweyne Farmaajo rabo inuu kusoo noqdo.

Xaliimo Yareey Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Madaxa Banaan ayaa la filayaaa in ay 27 bisha ay ku dhawaaqdo sida ay doorashada u dhaceeyso iyo goorta laqaban karo iyadoo shaacin doonto doorasho qof iyo cod ah ay dhic doonto. Xalimo Yarey ayaa muddo xileedkeeda ku egyahay bisha June 2021, waana sababta ay u shaacin doonto in ay doorasho dhaceyso wakhtigeeda, waayo haddii aanay taa sameyn oo aanay doorasho dhicin, waxay Xalimo Ogtahay in aanay saaxadda siyaasadda dalka aanay dib ugu soo noqon doonin.

Lama oga go’aanka aay ka qaadan doonaan Siyaasinta Mucaaradka  hadii doorasho aan laga talagalin saamileyda siyaasadeed lagu dhawaaqo, sida MOL ay marar badan idiin soo tebisay in ay suuragal tahay hadii ay dhici waydo doorasho xor iyo xalaal ah in ay suura gal tahay dalka uu galo xaalad fowda ah ama dagaal sokeeye.