(Faallo) Midowga Musharaxiinta waa in ay cadeeyaan doorka ay ku leeyihiin caruurta loo diray dhulka Tigreega

Reading Time: < 1 minute

Xasan Cali Kheyre ayaa dalka Ra’iisal Wasaare ka ahaa markii caruurta Soomaaliyeed si qarsoodi ah loogu diray dalka Eritereeya. Waxa uuna ka tirsan yahay Midowga Musharaxiinta.

Caruurtaan oo intii ay ku sugnaayeen dalka  Eritreeya loo diray dalka Itoobiya si qayb uga noqdaan dagaalka ka dhan ah Qowmiyada Tigreega. Waxa jira warar sheegaya in dhalinyaro badan ay ku dhinteen dagaalkaas qaar kale wali la’la yahay meel ay ku danbeeyeen.

Marnaba mico ma sameeynayso in midka mida Midowga Musharaxiinta loo aanaynayo in uu qayb ka ahaa qorshaha loogu diray Dhalinta Soomaaliyeed dagaalka Tigreey, hadana madaxda Midowga Musharaxiinta ay eedayn u jeediyaan Farmaajo kaligiis.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka sugayaan Midowga Musharaxiinta in ay si toos ah u sheegayaan mowqifkooda ku aadan doorka Xasan Kheyre ku lahaa dhibkii ku dhacay Dhalinta.

Hadii Midowga Musharaxiinta ka gaabsadaan in ay si  toos ah u sheegaan doorka Xasan Kheyre, Shacabka Soomaaliyeed waxa ay aaminayaa in kooxda isku sheegta Midowga Musharaxiinta ay qayb ku leeyihiin mas’uuliyada Dhalinta maqan iyo kuwa ku dhintay dagaalkaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!