Reading Time: 3 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
307 days
01 hours
12 minutes
46 seconds

25 Maarso 2020, Soomaaliya waxaa loo oggolaaday inay ka faa’ideysato barnaamijka (hal abuurka) deyn dhimista ( Debt Relief Initiative) ee dalalka horumaray (G7) u fidiyeen dalalka saboolka ah ee bixinta deymaha ay qabeen ku adkaatay.

Taarikh ahaan, barnaamijka deyn dhimista waxaa la oggolaaday 1996, kaddibna la xoojiyay ama la hagaajiyay 2005. Dalalka saboolka ah ee 1996 loo arkay in barnaamijkaas ay ka faa’ideystaan waxay ahaayeen 36 dal, kaddibna waxaa lagu daray 3 dal oo kala ah Soomaaliya, Sudan, iyo Eritrea madaama ay xaaladooda la mid aheyd ama ka darneyd 36 hore.

Dalalka horumaray waxay qoondeeyeen in deymistaam uga bixi doonto lacag dhan 76 bilyan oo loo siinayo hay’adaha caalamiga oo aan deyntooda la cafin karin. Soomaaliya kuma jirin qoonda, taaso kalliftay in hay’adda lacagta Adduunka (IMF) ka codsado dalalka xubnaha ka ah inay ku yaboohaan lacag dhan 334 milyan doolar oo 100 dal ku yabooheen. Furaha bilowga barnaamijka deyn dhimista waxaa ka mid ah bixinta deymaha ururay ee 3 da hay’adood ee IMF, IDA-Bankiga Adduunka, iyo Bankiga Horumarinta Afrika.
Deynta IDA ee Bankiga Addunka waxay aheyd 365.9 milyan doolar., Deynta Bankiga Horumarinta Afrika waxay aheyd 122.55 milyan doolar.

Soomaaliya waa dalka 37 oo ka faa’ideysanaya barnaamijka deyn dhimista, waxaana dhimman Sudan iyo Eritrea. 36dii dal hore waa maaren dhabbaha deyn dhimista.

Soomaaliya waxay awoodi weysay inay bixiso haftooyinka deymaha laga rabay laga bilaabo 1987. Qiyaasta deynta guud ee lagu lahaa Soomaaliya waqtigaas waxay ka yareyd 2 bilyan doolar.

Dalalka horumaray oo raacaya talada Hayadda lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Adduunka (World Bank) iyo Bankiga Horumarinta Afrika ( African Development Bank) waxay go’aamiyeen in dal kasta oo laga dhimayo deynta inuu fuliyo barnaamij dhaqaale, maaliyadeed, dowladnimo ee hay’adda lacagta (IMF) hoggaamineyso, ayadoo deyn bixin la’aanta dalalka saboolka ah loo arkay inay ka dhalatay maamulxumo, aqoondarro, fikir la’aan, iyo musuqmaasuq. Sidaa darted, barnaamijka IMF wuxuu ka tarjumaya dhaqancelin lagu sameynayo dowladaha saboolka ah si ay u bartaan inaysan jirin qado bilaash (free lunch).

Nasiib darro, barnaamijka IMF kama celinayo hoggaanka xun inuu maamulxumo, musuqmaasuq, iyo talo xumo badan sameeyo. Tan kale, wixii wanaagga ee laga heli lahaa barnaamijka deyn dhimista oo ah in 80/85% lacag lagaa rabay lagaa dhimo, waxaa hortaagan xaaladda ba’aan ee nabadgelyo xumo, qalalaasaha siyaasaded, dhaqaale xumo, iyo maamul xumo ee dalka oo dalka aafeyay. Barnaamijka deyn dhimista Soomaaliya lagu gardaadinayo waa mid wax badan indhaha looga qarsaday.

Sida waafaqsan shuruudaha mabaadi’ iyo farsamo ee barnaamijka deyn dhimista, Soomaaliya waxaa si ku meel gaar ah looga daboolay inta badan deyntii ay ku lahaayeen 3da hay’adahood oo kala ah Hay’adda hay’adda lacagta (IMF), Bankiga Adduunka ( World Bank) iyo Bankiga Horumarinta Afrika ( Africa Development Bank). Dhammaadka bisha Maarso waxaa la filaya in Magaalada Paris dalka Fransiiska uu ka dhaco shir looga wada hadlayo dhimista deymaha dalalka ku bahoobay Paris Club, waxaana ku xiga kuwa aan ku jirin ama ka mid aheyn Paris Club. Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya dhex maquuraneyso waxaa suuragal in dalalka qaarkood cag jiidaan.

Waxaa la qiyaasaya in deynta Soomaaliya laga doonayo oo hadda lagu sheegay inay u dhexeyso 5.2 ilaa 5.8 bilyan doolar laga soo reebi doono 560 milyan doolar 3 sano kaddib haddii Soomaaliya ku socoto jidka loo jeexay oo ku faahfaahsan heshiiska 3 sano soconaya ee guddiga maamulka hay’adda lacagta (IMF) ansixiyay 25 Maarso 2020.

Hirgelinta barnaamijka 3 sano wuxuu bilaabmaya bisha Maajo 2020 kaddib oo ah marka uu dhammaanayo barnaamijka 4aad ee ilaalinta shaqaalaha hay’adda lacagta Adduunka ( IMF Staff Monitoring Program-SPM).

Barnaamijka cusub ee la ansixiyay waxaa ku qoran shuruudo badan ee u baahan in la hirgeliyo oo ay ugu horreyso wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboledyada iyo ku dhaqanka nidaamka dowlad wanaagga. Barnaamijkaas waa kan lagu gaari doono deyn dhimista kama dambeysta ah.

Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxay Dowladda Soomaaliya u oggolaatay deyn cusub oo gaareysa 395.5 milyan doolar oo lagu bixin doono taagerada farsamo ee hay’adaha maaliyadda dalka sida Bankiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Soomaaliya waxaa la geliyay laga bilaabo 2012 ilaa 2019 lacag kor u dhaaftay 10.5 bilyan doolar, gaar ahaan 2017 ilaa 2019 waxaa la geliyay lacag dhan 6 bilyan, waxaana maraya heerkii 2005 oo dowladda Mareykanka laheyd waxaan ka hortageynaa argagixisada ka soo socota Soomaaliya. Arrintaas waxay ku caddahay warbixinta ku qoran Wargeyska New York Times ee 21 Maarso 2020.

Soomaaliya ma heli doonto lacag ka badan middii ay heli jirtay sannadihii la soo dhaafay. Waxaa soo kordhi doona in la bixiyo deyn aan la bixin jirin, in deyn cusub la qaato, in canshuur badan la saaro dadweynaha, in heshiisyo musuqmaasuq ah sida heshiisyo shidaal la saxiixo, iyo in la fulin waayo, lagu dhaqmi waayo sharciyadii Barlamaanka federaalka ansixiyay si loo gaaro oggolaansha barnaamijka deyn dhimista ama shuruudaha heshiiska 3 sano.

W/Q. Dr. Maxamud M Culusow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here