Faallo Kooban: Maxaa noo dhiman oo aan dhowranaa haddiiba intaan ay dhaceen? Akhriso

Reading Time: 4 minutes

Waxaa socda waxyaabo badan oo dalka dhib weyn u soo jiidaya, laakiin dad badan oo dhibka uu toos u taabanayo in aysan ka fekeri Karin hadda dhibaatooyin shakhsiyadeed oo loo abuuray darteed. Madaxda kalitaliyayaasha waxay shucuubtooda ka ilaaliyaan inay ugu yaraan dano guud ka fekeraan oo waxay dhinac walba kaga keenaan culeys sida caafiimaadka, nolosha, xorriyadda, taas oo qofka ku bixisaa inuu si rafaad ah uu ku helo waxa uu cunayo ama caruurtiisa siinayo.

Dowladdaan NN ee dalka ka jirtaana waa sidaas oo waxay qof waliba ku haysaa dhibaato inteeda la’eg. Maamul Goboleed kastaa waxaa dul taagan dhibaato loo abuuray si uusan wax u qabsan oo uusan u guuleysan. Taas oo ay dowladda dhexe u haysato inay tahay waddada kaliya ee ay ku sii jiri karaan marka dadka iyo madaxda kale ay ku jiheeyaan inay mar waliba ula daalaa dhacyaan sidii ay u jiri lahaayeen kana ilaaliyaan inay wax qabsadaan ama dadkooda wax u qabtaan. Tusaale waxa ka socda HirShabeelle, GalMudug iyo Jubbaland. Sidoo kale colaadda joogtada ah ee ay Villa Somalia ka dhex waddo Puntland (Dhulbahante iyo Warsageli) Somaliland (Isaq).

Dhinaca kale shacbiga Muqdisho oo maanta bixinaya ciqaabtii ka dhalatay damaashaadkii shalay ay Farmajo u sameeyeen ayaa iyagana waxay ku dhamaadeen quud la dirir oo jidkasta oo ay nolol ku kasban karaan waxaa laga xeray.

Been joogto ah, qarinta runta, maleegidda qorshayaasha dib u dhaca dalka, iyo xadidda hantida qaranka waa qorsho hawleedkooda horyaalla dowladda Farmajo iyo Kheyre.

Sidoo kale waxaa mudan in la habaaro Xildhibaanada Barlamaanka oo ku wiirsada dhibaatada shacbiga lagu hayo, mar haddii ay macaankooda helayaan iyagoo ka been sheegaya inaysan waxba ka qaban Karin xaaladda. Xildhibaanadda oo ku dooda in mas’uuliyad wadareeddii Barlamanka loo diiday ayaa waxay iska indha tirayan inay  leeyihiin mid shakhsiyadeed oo xildhibaan waliba waxaa uu rabbi la hortagayaa dhaartii uu Rabbi hortiis ku maray inuu difaacayo Danta Dadka, Dalka iyo Diinta, hasa yeeshee maanta magaciisa mid waliba dembi looga galay.

Dadka waxaa lagu dhibaateynayaa awoodo ay xildhibaannadu siiyeen Farmajo, Fahad iyo Kheyre oo ay saacado kaga qaadi karaan marka ay rabbi ka cabsadaan. Dalka waxaa lagu baabi’inayaa awoodo iyo xeerar ay iyagu u meelmariyeen in lagu dhaco, lagu dhibaateeyo, laguna sarrifto si shakhsiyadeed. Dhinaca Diinta waxaa hortooda lagu dilaa dad muslimiin ah oo ay u dhaarteen inay difaacayaan intii awoodooda ah, laakiin aysan kala jecleyn oo  xataa aan marnaba laga maqal tacsi wadareed ay golaha shacbiga ka soo jeediyaan.

Haddaba habaarka ummaddaan ayaa waxaan rajeyneynaa inuu Ilaahay ka aqbalo oo uu Meesha ka saaro  barlamankaan ku gadaaman madaxda hadda jirtaa kana horjooga ciddii ummaddaas wax u tari lahayd iyo ciddii ka qaban lahayd kooxdaan u midowday inay dalkan iyo dadkan baabai’iyaan.

Dhinaca kale waxaa iyana mudan inay baaba’aan mucaaridka oo mar waliba dantooda u mucaarid ah laakiin aan qaran u mucaarid ahayn. Mucaarid ku sheegga maanta jiraa ma awoodo inay yeeshaa jiha guud oo ay ka mideysan yihiin oo ah in dalka la badbaadiyo oo mar waliba laga hormariyo tan shakhsiyadeed. Mid kastaa waxaa uu qabaa Farmajo ha joogo haddii aan anigu heleyn ee ma qabo waa in Farmajo iyo Tuugadiisa dalka laga qabtaa ciddii rabta ha qabatee talada. Waayo mucaaridnimada dhabta ah waa difaaca dalka, dadka iyo diinta ee maahaa difaaca dantaada waana sida hadda ka muuqata kooxaha mucaarid sheeganaya.

Waxaa Khasab ah inay abuuraan dallad qura oo danta guud ka mideysan haddii kale waa tuugo sugaya inta ay tuugadaan beenalayaasha ah intay ka dhergayaan si ay iyagana u helaan waxa ka soo hara, una badalaan.

Balse akhristow,  si aan caddaallada uga tagin waxaa sax ah inaan xusno inay jiraan koox ama mucarid fahamsan halka ay wax ka khaldan yihiin oo bixin kara tilmaamo iyo hagid waxa lagu sixi karo, laakiin markii ay hadlaan lagu shaabbadeeyo inay rabaan inay talada dalka mar kale ku soo noqdaan. Ma qabno inay sax tahay arrintaan shaabadeynta ah ee lagu sameeyo kooxdaas waayo maadaama ay xog ogaal u noqon karaan halka waddada ka qalloocatay inay talo sax dhiibaan ama loo igmado mar kale inay saxaan waa wax lagu dhiirran karo.

Mar waliba waxaa haboon inaan haysanno wax aynu isbarbardhigno oo kooxdaan hadda talada haysaa la barbardhigo kooxihii ka horreeyey iyo wixii ay qabteen iyo sida xaalku ahaa markii ay joogeen kuwaas oo ay talada dalka hayeen.

Tusaale waxaa kuugu filan markii ay kooxahaas joogeen dooddeena waxay ahayd musuqmaasuq  ayaa jira balsa aan caddeymo loo hayn, laakiin hadda xataa musuqmasuqii waxaa la hayaa cadeeymo. Ammaanka Caasimada iyo Dalka guud ahaan waa wanaagsanaa oo Xamar kalama xerneyn markii ay joogeen kooxahaas, haddana waxaa xeran jid cade kasta, iska dhaf waddooyinka laamiga ah ee waaweyn iyo kala wareeg oo umulaha ayaa jidka ku dhala ama ha isku go’aan hooyada iyo cunnuga ama ha kala go’aane.

Madaxda Maaamul goboleedyada waxay lahaayeen Madal ay kaga arrinsadaan talada haboon, maantana isma salaamaan. Mucaaridkii jiray Taalladda Daljirka dahsoon ee Xamar ayey socod saf ah ka soo bilaabi jireen iyagoo ka cabanayey hal maalin oo jidka loo xeray shirkii madaxda IGAD oo markii ugu horreysay Xamar lagu qabtay muddo dheer kadib, maanta mucaaridka xataa Meesha ay joogaan waa inay qariyaan haddii ay laba ku noqdaanna hal goobna  waxaa dul taagan Sadiq joon iyo Kheyre  oo Khadka kula jira, siinayana tilmaamaha iyo amarrada.

Kenya oo damacday qeyb yar oo dalka ka mid ah waxaa lala tiigsaday sharciga caalamiga ah markii ay joogeen dowladdi hore, maanta 4 dekadood waa tageen, qeyb Buulo Xaawa ka mid ahna lagama wada hadlo, sharcigii barlamanka ee DP World MW Farmajo waa diiday inuu saxeexo. Waxaana hoosta laga wadaa in Kenya loo celiyo qeybtii badda, Itoobiyna la siiyo dhulxeebeed ay ciidankeeda badda degaan si heshiis ah hadda kadibna ay la wareegaan.

Marka qof walbow xil baa ku saaran ee dhab u fiirso maanta haddii kale berri ayaad shalleyn doontaa.