Faallo kooban: Booqashda Kheyre iyo Kheyr la’aanta ka soo socota.

Reading Time: 2 minutes

Dad Badan ayaan Cabsi xoog leh ka muujiyey Safarka KHeyre ee Imaaraadka, waxaana ugu daran madaxtooyada oo ka cabsi qabta in kheyre dhabarka laga soo dherbaaxo lana soo baxo geesinimo macagagnimo weheliso maadaamaa uu yahay shakhsi aan inta badan kala harin ee hal meel uun jira. Kulamada dawliga ah ee dhacayey waxaa ka badnaa kulumada qarsoon ee gaarka ah oo qaarkood uu ka dhuuntay kooxdii la socotay.

Muqdisho Online ayaa ogaatay in kheyre uu ku jiro hawlo ay aad uga cabsanayaan Fahad Yasiin iyo Madaxweynaha laftiisa kuwaas oo ah in Kheyre uu soo saxeexo heshiis wax weyn ka badalaya mowqifka Dawladda Somaliya ee khilaafka Khaliijka.

Farmajo iyo Fahad waxay xoog u taageereen dawladda Qatar, taasoo uu sababay Fahad oo aad ugu dhow sirdoonka dalka Qatar muddana la soo shaqeeyay sirdoonka Qatar.

Dhinaca kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Kheyre uu halkaas kula kulmay Shiradda SOMA OIL and GAS oo hadda u muuqato inay hor boodayaan koox Ruush ah, arrinkaan oo isagana dareekiisa leh. Haddaba haddii madaxda shirkadda ay ku kaalmeeyaan in Kheyre iyo Imaaraadka is fahmaan waxay su’aali ka joogtaa sida uu noqon doono xiriirka Farmajo iyo kheyre oo beryahan dun daciif ah ay isku haysay. Walow la leeyahay waxaa ka muuqda isu soo dhawaasho kadib markii uu Shariif Xasan dhexgalay, laguna heshiiyey in la magacaabo taliyayaasha Ciidamada Asluubta, Boliiska oo u muuqda inuu hay’ad ahaan sii dhaciifayo iyo Agaasimaha Nabadsugidda oo wiil Shariif Xasan ah. Inkastoo ay jirto cabsi kale oo soo wajahday sirdoonka Somaliya, maadaama uu agaasimaha cusub ka been sheegay aqoontiisa. Hay’adaha caalamiga ee ay wada shaqeynta ay ka dhaxeyso NISA ayaa shaki weyn ka muujiyey inay la shaqeyn karaan madaxda NISA oo qowsaarro u ah wadaadka xag jira ee hadda uu khashifmay Sheekh Fahad Xaaji Yasiin, madax xiriirka dibadda ee Ictisaam, isla markaana ah Agaasimaha guud Madaxtooyada Jamhuuriyadda.

Cidi ma oga sababta kooxda madaxweynaha ay u oggolaadeen in Kheyre uu safarkan aado maadaama uu horay ula soo kulmay Wasiirka Arimaha dibadda ee Imaaraadka , horayna ay ugu soo heshiiyeen inuu ka soo shaqeyn doono in madaxweynaha uu ka soo dhaadhiciyo in ay Somaliya wax ka badasho mowqifkeeda. Madaxweynaha waa ogolaaday safarka waxaanu wafdiga ku darsaday xubno ay Balbal iyo Cabdisaciid ka mid yihiin. Cabdisaciid oo u muuqda inuu Farmajo u galay meshii uu ugu jiray Caabdirisaq Jurille Maxamed Siyaad oo ahayd in uu u dhaxeeyey isaga iyo Beelweyntaa ay laabadoodaba ka soo jeedaan.

Waxaa iyana dhinaca kale jira  dadaal xoog leh oo uu waday Alexander Randos oo bariga Afrika u qaabilsan EU-da kasoo aad isugu dhaweeyey Safiirka imaaraadka Somaliya u jooga iyo Kooxda Farmajo, kadibna ay soo salaamidiisa saf u galeen madaxda dawladda Farmaajo.

EU iyo Beesha caalamka waxay baadigoob ugu jiraan cidii maalgelin lahayd AMISOM oo ay lacagta ka dhamaaneyso bisha June ee 2018. Imaaraadka waxba kama qabaan inay lacagtaas bixiyaan haddii Somaliya loo gacangeliyo oo talooyinkeeda ay wax ka goyn karaan Qatar iyo Turkigana Liifadda loo gaabiyo.

Balse aan aragno waxa uu soo kordhiyo safarka Xasan Cali Kheyre ee Imaaraadka.