Khubdabdii Farmajo ee uu ka jeediyey 12kii April oo ah sannad guuradii 62aad ee CXDS waxay ahayd khudbad aan waax macno ah sameyneyn marka la eego marxaladda uu dalku marayo.
Dhibaatooyinkii ay sababta u ahayd dowladdiisa ee dhinac walba lahaa iyo haddii ay jiraan wax yar oo wax qabad ah oo ay dowladdani qabatay kuma uusan xusin, wuxuusa mar waliba afka ku celceliyey waxa ugu liita ee loo tiirin karo isaga iyo dowladdiisa kaas oo ah “waddaniyadda”.
Waxaa uu dhaliil aad u weyn u soo jeediyey inuu dhib ku hayo Somaliya “Qabiilka”, hasa yeeshee waa Madaxweynihii ugu qabiilisanaa ee dalka soo mara oo ilaa iyo hadda diidan in gobolka Gedo oo ay qabiilkiisa degaan inay doorashada ka qeybgalaan mar haddii uusan isaga isku hubin codkooda.
Farmajo isagoon is ogeyn ayuu shacbiga u sheegay inuu ku talinayo, rabanna in loo noqdo waddniyaddi 91ki ka horeysay, laakiin cid weliba waxaa ku dhalatay dhiillo waayo 1991 maxaa jiray maxaysa ahayd waddaniyadda jirtay? Waxaa jiray xukunkii adkaa ee Maxamed Siyaad, waddaniyaddaas waa tii burburisay magaalooyinka Gobolladii waqooyi, kuwa mudug, kadibna dalka oo dhan marka taas haddii uu rabo in loo noqdo waa wixii looga shaki qabay ee ahaa inuu rabo awood “kalitalisnimo”.
Dhibaatooyinka muuqda ee cid waliba arkeysaa ee uu isha ka dadbaday waxaa ka mid ah:
- Amaanka caasimadda oo cabsi xoog leh ka jirto, mana jirto meel looga bixi karaa oo waxay caasimadda ku jirtaa xero.
- Isla magaalada dhexdeeda xaafadaha qaar waa laga qaxay isagana Tiyaatarka oo u jira 500 mitir m tagi karo, maantana waxaa lagu geeyey goobta xafladda gawaarida gaashaaman ee AMISOM, markii uu gudaha galay ayaa loogu badalay gaariga kowaad ee aan xabbda Karin.
- Ma xusin, mana ka xanuunsan in Caasimadda ay canshuurta si isku mid ah uga wada qaataan dowladda iyo shabaab oo ciidanka tirada badan ee gaadda ka ciyaarka hortiisa ku maray uu ugu ceebeeyey inaysan waxba ka qaban Karin oo ay mushaar dadka Xamar xoog looga qaaday iska qaataan. Hubaal ciidanka XDS wax weyn ay ka qaban karaan arrintaan iyo kuwa ka adag laakiin waxay rabaan hogaamin iyo jiheyn uga timaada taliyahooda guud oo isaga ah, mana la siin.
- Waxaa ka muuqatay inuu fahamay in lagu gartay qabyaaladdii uu ciidanka uga eryey raggii iyo haweenkii khibardda hogaamineed, dagaal gelineed iyo guul u horseedideed lahaa sida Jenenka weyn ee Indhaqarsho oo xataa loo diiday inuu si kale ugu shaqeeyo qarankiisa oo uu xildhibaan u tartamo, wuxuuna Farmajo isku dayey inuu ka gilgisho laakiin wuxuu ahaa nin dhuumanaya oo haddana dhabarku muuqdo.
Waxaa uu sheegay inuu ku yimid isbadal doon, isbadalkaas oo aan ahayn inuu qof badalay laakiin uu rabay inuu badalo nidaamka dimoqraadiga ah, laguna noqdo nidaamkii kalitaliska oo shaar beenaad waddaniyadeed loo huwiyo.
Beenta kale ee uu sheegay waxay ahayd in Kenya ay u sheegtay lacag iyo inuu soo noqonayo haddii uu dacwadda badda soo celiyo, laakiin waa been cad waayo dacwadda badda oo la soo celiyaa waxay u baahneyd geedisocod uusan isaga awoodin. Dhinaca kale ilaa maanta lama oga halkii ay ku dambeysay waayo waxay ahayd in loo hawlgalo in la dhameystiro hawsheeda oo Somaliya cadeeysato dhulkeeda, hasa yeeshee meesheedii lagama soo qaadain lamana oga inuu jiro waqti dhacay oo aan ka dib wax tallaabo ah la qaadi Karin.
Waxaa kaloo u uku faanay inuu hawada soo celiyey, sooma celin isaga ee markii la soo celiyey ayuu xafiiska fadhiyey uu ka aqbaly inuu ka qabto ICAO oo maalintaas ku ballansaneyd inay gacanta Somalida ku wareejiso (Delivery Date). Waxaa saxeexa soo celinta hawada lahaa Siciid Jamac Cali Qoorsheel iyo Maxamed Cilmooge oo labada wasiirro ka ahaa dowladdii ka hooreysay tan Farmajo waana joogaan labadoodaba.
Dadka baraha bulshada wax ku qoraa ayaa waxay soo qorayeen haddallo aad u asiibay qofka uu yahay waxayna ku sheegeen inuu yahay “Farmaajo Beenaale , qabiiliiste wuxuu yiri Ciidan ayaan dhisay Maalintii la doortay Ciidanku waxey ahaayeen 22kun oo Askari , maantana waa 20kun Askari laba kun ayuu Qabyaalad ku eryay.” Waa kuwii ugu aqoonta badnaa ciidanka ee aan soo sheegnay.
5 tii sano iyo dheeraadka ee uu ahaa madaxweynaha waxay shabaab dib u qabsadeen magalooyin iyo degmooyin oo maalintii la doortay Jowhar iyo Marka gawaari ayey madaxda ku tegi jireen laakiin maanta Afgooye iyo Balcad iska dhaafe degmoooyinka Xamar qaarkood ayaa lama galaan ah.
Farmajo waa abaaldhaan wuxuuna inkiray dhamaan dawladihii asaga ka horeeyey iyo waxqabadkoodii, asagoo ka soo qaaday xilli qabiil shaqaynayay ee aysan dowlad ka jirin dalka, taasina waa ku ceeb ku tahay madaxweyne ay labada garab ka istaageen labadii madaxdweyne ee ka horreeyey MW Shariif Sheekh iyo Xasan Sheekh, waa sida Trump oo yiri dowlad aniga ayey iga bilaabatay oo ka hor Ameerika Qabiil ayey ahayd.
Sidoo kale waxaa la yaabka leh waxay ahayd inuusan khudbadiisa hal marna ku xusin “kooxda Shabaab” oo uu bedelkeeda adeegsanayay “Al-qaacida” asagoo ku dhiiran waayay inuu xuso magaca Shabaab.Wuxuu ka hadlay dhismaha, qalabaynta iyo xuquuqda ciidanka laakin ma xusin hal tuulo oo ay xoreeyeen, taas oo ceeb ugu filan soomajeestayaasha la hubo inayan ku faraxsaneyn fadhiidnimada la baday.
Kama hadlin doorashada socoto iyo Dhaarinta xildhibaanada iyo dhibaatada uu gobolka Gedo ka abuuray oo weli taagan iyo burburinta dowlad goboleedka Jubaland.
Isku soo duub Farmajo waxaa uu muujiyey aqoondarri iyo ogaal xumo gaamurtay, xukun jaceyl iyo been shaati loo geliyo, damqasha la’aanta xataa abaaraha sooma hadal qaadin ee qabyaalad iyo been ayuu isla soo mutaxay.
Ma sheegin khilaafka siyaasadeed ee dalka hareeyey oo keentay in wasiirkii gaashaandhigga iyo R/Wasaarihii dalka aysan xafladda joogin iyagoo magaalada dhinac ka jooga.
Farmajo wuxuu taariikhda ku geli doonaa inuu yahay madaxdweynihii ugu xumaa ee dalkaan ka khasaariyey 5 sano iyo dheeraad inta la og yahay taariikhdii madaxdweynayaashii soo maray dalka ilaa maanta.