Faallo: Dowladda FS iyo Dowlad-Goboleedyada Maxay Shacbiga Ka Badali Karaan? Akhriso.

Reading Time: 3 minutes

Dowladnimda waa habdhaqan iyo nidaam la wada ilaaliyo oo la isku kakabo si ay uga soo banana waxa looga baahan yahay ee loo igmaday. Ogow dowladaha waxaan siinnay qeyb xuriiyadeenna ka mid ah sida inay shuruuc sameyso, kadibna aan u hogaansanno. 

Waxaan arkaa kuwa badan oo ka caaytama baraha bulshada kuna taagan dowlad kasta ee timaada Madaxtooyada iyo kuwa dowladdaas aan marnaba sixin una kaalmeyn balse taageero indho la’aan ah oo hunguri ku dhian la daba jooga. Labadaas kooxba waa khaldan yihiin kamana shaqeynayaan danta guud.

Somaliya waa dal barwaaqo ah oo dadkiisu ay si fiican u noolaan karaan haddii loo daayo inay dalkooda ka shaqeysataan taasna waay ku iman kartaa in shacabka iyo dowladaha kala dambeeya ay isku meel uga soo wada jeestaan ilaalinta danahooda. Nolosha dhadhaliilo lagama waayo dolwad iyo hogan wabla waa yeelanayaa dhaliilo laakiin waxaa muhiim ah in dhaliilaha la saxo lagana gudbo oo aan lagu habsaamin.

Waxaad arkeysaa aqoonyahan ku-sheeg wax uusan waxba ka aqaanin maanta oo dhan wax ka sheegaya oo xataa dhaliilo aan Meesha qaban af labadii la yeeraya. Waa sida gaari wade xirfad u leh wadista gaariga balsa maanta oo dhan wax ka sheegay dulliye sare oo duuliya dayuuradaha rakaabka.

Xataa aqoonyahanka waxaa laga rabaa inuu tilaamaamo mushkiladda balse uu soo raaciyo xalka. Weli ma aragtay Somali xal iyo talooyin soo gudbinaya markii uu caaytamo ka dib.

Dowladda hadda dalka hogaamineysaa ee MW Xasan Sheekh maaha mid ay wax waliba u dhameystiran yihiin oo ceeb ka saliim ah, hasa yeeshee meel wax laga sixi karo si horay loogu socdo ayey joogtaaa. 

Qofka Somaliga ah waxaa laga rabaa:

1.     Inuu mar wliba fahmo danta guud inay mar waliba tiisa ku hoos jirto oo haddii tan guud laga wada shaqeyo lagama raganimo ama dadnimo badna, lagama caqli badna ee yaan lagaa dadaal badanin ayaan leeyahay.

2.     Waaa in dowladda lagu khasabaa inay guuleysato oo aan loo daaynin sixiddda wax waliba iyada kaliya ee lala saxaa oo laga qeyb qataa. Tusaale haddii maanta dalka uu nabad noqdo,  cidda ugu badan ee nabaddaas ka fa’iiseyso waa shacbiga waayo madaxda haddaba nabadgelyo waa haystaan. Oo nabadgeladooda waa la ilaaliyaa, laakiin adiga taada ya ilaalinaya haddii aad lala shaqeyn hay’adaha ilaalinaya oo aadan xogta iyo xanta u keenin dowladda.

Xaaladaha qabiileysan meel fog nama geyn karaan haddaan iskaashanin oo aan danta guud ee qabiilka ka wada shaqeyn marka danta qof waliba qabiilkiisa uu ka shaqeeyo waxaa hagaagaya danta qaranka oo uu qabiil waliba ka fa’iidaysto. 

Qof walba magaalada ama tuulada ay dadkiisu degan yihiin waxay ka heli karaan nolol ka wanaagsan tan ay maanta haystaan haddii si iskaashi leh looga shaqeeyo oo loo midoobo danta guud. Tusaale haddii shabaab dalka oo dhan laga xoreeyo oo gaariga ka soo baxaa Berbera uu Kisamaayo nabad ku tagi karaa ee dhallinyarada Jaamacadda Camuud ka soo baxdaa ay u shaqo tagi karto dekkada Kismaayo kuwa Kismayo ka soo baxaana ay Hargeysa u shaqo tagi karaan sawiro horumarka uu dalku gaari karo.

Dhaallinyaro badan ayaa Jamaacadaha dalka oo dhan ka soo baxay oo ku ah shaqo la’aan magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Boosaaso, Kismayo, Baydhabo ama muqdisho haddii dalku nabad yahay waxaa la buurmi lahaa shaqooyin ay dhallinyaradaas mustaqbal iyo nolol ka smeysan karaan. Arrinkaas cid waliba waa u dan marka waa inaan ka wada sahqeyno oo aan dowlad ama maamul meel ka jiraa loogu hiillinin. Haddii nolosha noo hagaagto siyaasadda waa no hagaageysaa.

Dunida waaxaa ku socda isbadallo waaweyn oo keenaya inay saaxadda nolosha ka baxaan waddamada aan dadkooda tashan, hogaankoodana toosisanin. Dalalaka  soo haraa waa la liqayaa si sharci ah waayo iskama celin karaa dabeysha xoogga badan ee isbadalka 10ka sano ee socota, haddii ay hogaanka iyo dadkeenna ku mashquulaan 2022/23  oo loo diyaar noqon dhacdooyinka dhacaya 2032/33 maxaa dhacaya?

Horumarka dal waxaa saldhig u ah:

1.     Hay’ado sharci ku shaqeeya oo is xisaabiya, waa inaysan shacbiga u ku khasbaan inay hay’adda si sharci ah wax ku qaadato waxna ku qabato.

2.     In la khsabo hannaanka ah maxaa taqaan oo aad qaban kartaaa lagana gudbo yaa taqaan. (meritocracy) 

3.     In madaxda lala xisaabtamo oo si sare  iyo si hoosaba loola xisaabtamo.

4.     In xataa haddii jagada qabiil lagu bixinayo waa in qabiilka laga soo qataa qof wax qaban kara oo lala xisaabtami karo, qabiilkuna waa inay gadaal mariyaan kuwooda aan qaran iyo qabiil midna wax u kordhin Karin.

Ugu dambeyn Somaliya waa dal dhul ahaan iyo dad ahaanba barwaaqo ah waa inaan taas aaminnaa kuna shaqeynaa si inta aan adiga iyo aniga nool nahay aynu wax uga dhadhammino barrwaqadaas jiilka soo socdna aan jid u sii xaarno inay la tartami karaan waddamada deriska ah. Is barbardhig 25 jir Somali ah oo Jaamacad kaga soo baxay dalkeenna  iyo mid Kenya ama Itoobiya kaga soo baxay? Dadnimo kuma kala fiicna laakiin waraaqahooda iyo waxa ay ku heli karaan ayaa kala qiimo badan oo mid waliba dalkiisa ayuu ku fac yahay. 

Sidaas darted,  dowaladaha dadkooda ayaa ka shaqeysiiya oo ku khasba inay sameeyaan wax dalka iyo dadka u wanaagsan ee madaxda oo kaliya maaha. Madaxda waa in la khasbaa kuwooda khaldanna la saxaa haddii kale waxba is badali maayaan. Isweydii adiga maxaa kuu dan ah maxaadsa ku kordhin kartaa si dalka uu horumarkaas u gaaro, noloshaada iyo tan Ilmahaaga ay u hagaagto?

Muqdisho.Online.