Faallo: Burburka Dowladdii Afganistaan iyo Guusha Daalibaan Maxaan ka Baran kannaa?

Reading Time: 4 minutes

Muddo 20 sano ka hor ayaa Dalibaan laga eryey caasimadda Kabul ee Afganistan kadib markii dowldoodii lagu eedeyey inay Gabbaad siisay Alqacida iyo Usam Bin Laadin oo ilaa iyo maanta loo haysto inay sameeyeen weeraradii Argagixiso ee lagu qaadaya daariihii mataanaha ahaa ee ka qotomay Magaalada Ney Yorka e dalka Mareykanka. Mareykanka oo xoog is bidaya ayaa waxaa ka dhacay wax aan taariikhdiisa ka dhicin gudaha dalkiisa oo hardanka dagaal inta badan meelo kale ayuu ka dhici jiray, Alqaacida ayaasa la sheegay inay gudaha dalkiisa ugu geysay.

Ururka Daalibaan oo loo sameeyey inay la dagaalaan dalkii la oran jiray Midowgii Sofiyeeti ayaa waxaa abuurkooda qeyb lixaad leh ku lahaa Mareykanka, waxaanu siiyey Tababar iyo hub ay ku dagaalaan si ay Sofiyeetigii uga saaraan dalkooda 1979.

Duulaankii Soofiyeeti iyo dagaalladii sokeeye ee Afqaanistaan ​​sanadihii 1980-maadkii iyo horraantii sagaashameeyadii ayaa dalkooda keenay kumanaan dagaalyahanno Islaami ah, oo uu ku jiro aasaasihii al-Qaacida Osama bin Laden. Bin Laden wuxuu Afghanistan u adeegsaday saldhigga hawlgallada oo uu ka dhisayo shabakadiisa al-Qaacida. Wuxuu dhisay isbahaysiyo u dhexeeya al-Qaacida iyo dagaalyahannadan maxalliga ah ee Daalibaan, si uu uga badbaadiyo al-Qaacida maamulka Afgaanistaan ​​iyo xoogagga kale ee cadowga ah.

Hasa yeeshee, Daalibaan oo ka soo hartay dhamaan kooxihii kale ee dalkaas ka jiray ayaa la wareegtay gacan ku haynta Afgaanistaan ​​sannadkii 1996 -kii, iyagoo ka faa’ideysanaya xukunka dowladdii jirtay oo ku baahsanaa dalka, laaakiin aan wax awood ah lahayn ka dib dagaalkii sokeeye. Al-Qaacida iyagu waxay hoosta uga jiraan Daalibaan waxayna sii wadeen inay u adeegsadaan Afgaanistaan ​​saldhig ahaan ilaa uu Mareykanku ka tuuray Daalibaan xukunka 2001. Dagaalyahannada Al-Qaacida iyo Daalibaan ayaa iska garab dagaallamay si ay dalka uga saaraan isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo, taasoo keentay in ra’iisul wasaarihii Ingiriiska ee xilligaas Tony Blair uu ku dhawaaqo bishii Nofembar 2001 labada koox ay yihiin “kuwo isku milmay”. Warbixin Guantanamo ah oo la faafiyay 2011 ayaa lagu sifeeyay “midayn” u dhaxaysa al-Qaacida iyo Daaliban. Laakiin Alqacida maalmahan lama maqal oo si ayey u gaabatay hawshooda, waxaasa halganka ay ku doonayeen inayAfganistaan markale ku qabsadaan xukukeeda waday Daalibaan oo mar kale ay maanta Afganistaan Gacanta u gashay ama sida dadka qaar oo uu qorahani ka mid yahay  ay qabaan gacanta loo geliyey.

Guusha Taalibaan

Bishii Ogosto 6, 2021, Daalibaan waxay bilaabeen guluf ka dhan ah magaalooyinka waaweyn ee Afqaanistaan ​​iyagoo qabsaday Zaranj, oo ah caasimadda gobolka Nimruz. Toddobaadkii xigay, Daalibaan waxay qabsadeen caasimadaha Ghazni, Jowzjan, Sar-i-Pul, Kunduz, Takhar, Samangan, Farah, Badakhshan, Helmand, Zabul, Ghor, iyo Logar. Dadka siyaasadda ka Fallooda ayaa dhacdooyinka degdega ah ee isdaba yaalla u arka inay yihiin Khidad ay Galbeedka diyaariyeen oo ugu dambeynta Iran  (shiico) iyo Daalibaan(Suuni Mayal adag) madaxa la isu gelin doono ilaa 10 sano ee soo socota.

Subaxnimadii Ogosto 16 -keedii, calanka Mareykanka ayaa hoos loo dhigay oo laga saaray Safaaradda Mareykanka. Isla maalintaas, Daalibaan waxay hareereeyeen madaxtooyada waxayna si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Kabul, ka dib Daaliban waxay ku dhawaaqday in dagaalkii Afghanistan uu dhammaaday. Afhayeenka xafiiska siyaasadda ee Daalibaan Mohammad Naeem ayaa sheegay in ay dhawaan soo bandhigi doonto dowladda cusub ee dalka. Wuxuu ku dooday in Daalibaan aysan doonayn inay gooni u noolaadaan oo ay doonayaan inay yeeshaan xiriir caalami ah oo nabdoon. Daaliban ayaa sidoo kale sheegtay inay xushmeyn doonaan xuquuqda haweenka ayna ilaalin doonaan ajaanibta iyo Afgaanistaan. Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Japan, iyo in ka badan 55 waddan oo kale oo reer galbeed ah ayaa bayaan si wadajir ah ay u soo saaray iyagoo ugu baaqaya dhammaan dadka reer Afghanistan iyo muwaadiniinta caalamiga ah ee ku sugan Afghanistan ee doonaya inay baxaan in loo oggolaado inay baxaan.

Inkastoo Afganistaan weligeed ay lahayd taariikh Qallafsan, dadkeeduna ay yihiin dad aad ugu adadag dagaallada, ayaa haddana waxay qaateen Mad-habka Xambaliga oo ay dadku u yaqaanaan Wahaabiya.

Hoggaamiyaha hadda ee Daalibaan, oo lagu dhawaaqay May 2016, waa Haibatullah Akhundzada. Daalibaan waxaa ku  aasaasay Mullah Maxamed Cumar 1994 -kii Kandahar si ay Afghanistan ugu soo rogaan amar Islaami oo mayal adag.

Xididdada Daalibaan waxaa laga raadin karaa mujaahidiintii Pakistan soo tababartay ee la dagaallamay qabsashadii Soofiyeeti ee Afgaanistaan. Qabiillada Pashtuun oo u badan Daaliban ayaa si degdeg ah awoodooda ugu baahiyey Afghanistan oo dhan, waxayna 1996 qabsadeen caasimadda Kabul. “ImaaraddaAfgaanistaan,”, ayey sheegeen inay dhalatay waxayna taageero maaliyadeed oo gacan furnaan ah ka heleyeen Sacuudi Carabiya iyo Pakistan.

Daalibaan waxay hirgelisay Islaamka Mayalka adag ee asal raaca loo yaqanno ee shareecada Isaamka, kaas oo ah kan ay Sucuudiga dunida Islaamka u dhoofinayeenmuddo dheer, balsa iminka uu Sacuufdiga laftiisa dagaal ku qaaday gudahiisa, waxaana u xerxeran culimadii geed fahdiga u ahayd mah-hadbkan Xambaliga ee adadag sida Safar Xawaali, Salman Alcowdah, Cawad Al Qarni, Ali Al-Cumari iyo kuwa kale oo badan ay Sacudiga u aragto inay wadaan Baraarug cusub oo diini ah. Dowladda Afgaanistaan ​​ee ay Dalibanka maamulayeen waxaa aqoonsaday saddex dal oo kaliya: Pakistan, Saudi Arabia, iyo Imaaraadka Carabta (UAE).

U gacangelinta Afganistaan kooxda Daalibaan Maxay Somaliya iyo Shabaab uga dhigan tahay ?

Wararka laga helayo shabaabka waxay beryahan wadeen inay ka doodaan inay fursad u heli karaan inay helaan guusha ay Daalibaan gaartay hasa yeehsee dadka sida fiican u yaqaanna labada kooxood ee Shabaab iyo Daalibaan waxay qabaan:

  1. In shabaab aysan u dhisneyn qaabka ay u Daalibaan u dhisan tahay waayo Daalibaan waa jabhad waddani ah oo u dagaallameysa inay dalkooda diinta islaamka ku xukumaan sida Sucuudiga, laakiin Shabaab waxay ka qeyb ka yihiin shabakaddo Caalami ah sida Alqaacida iyo Daacish, mana u soo jeedaan inay Somaliya xoreeyaan walow ay ku marmarsimoodaan AMISOM ha baxdo iwm.
  2. In Somaliy aad uga duwan tahay Afganistaan inkasta oo labadoodaba ay shacuub qabiillo ku dhisan yihiin, haddana waxaa kala duwan habdhaqanka dadka walo
  3. Somaliya waxaa u diidaya nidaamka Federaalka ah oo dalka waxaa uu hadda leeyahay awoodo kala qeybsan oo shabaab ma wada qabsan karaan, xataa haddii ay Farmajo iyo Fahad oo Qatar wataa u fududeeyaan inay Xamar ku wareejiyaan dalka intiisa kale ma qabsan karaan waxaana dalka ka xoreyn karaa dowlad goboleedyada oo iskaashada.

Ugu dambeyntii waxaaa cad in ummad waliba ay tahay  inay iyada aayaheeda ka tashato oo aysan cid wax u qaban kareyn. Dadka Somaliyeed oo dhan ayaa waxaa horyaalla inay dalkooda gacanta ku dhigaan si noloshooda ay ugu sameystaan sida ugu habboon, rabbigoodna si xor ah ugu Caabudaan ciiddooda, iyagoon cidna ka baqeyn.

 

Xigasho: NY Times, Washington Post, Al Ahram and Reuters.

 

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!