Waxaa taariikhda “markii ugu horreysay” la soo gaaray xeligii ay kala furan lahaayeen kooxda NN oo dhammaan wixii uu Beyle Baafin jiray ayaa soo afjarantay. Hay’adaha caalamiga ee habynta dhaqaalaha kala shaqeeya dadka Somaliyeed ayaa waxay u adkeysan waayeen beenta xad dhaafka ah ee uu Wasiir BB fidinayo, taas oo iska hor keeneysa shacbiga Somaliyeed iyo hay’adaha dhaqaalaha Aduunka.
“Jooji Beenta Deyn Cafinta”
Wasiir BB waxaa looga digay loona sheegay inuu joojiyo beenta uu u sheegayo shacbiga ee ah inay dalka Somaliya deymahii dunida ay ku leedahay laga cafinayo. Waxaa markii ugu horreysay afkiisa laga hayaa inaysan jirin wax deyn cafin oo la sugayo muddo dhowr sano ah. Waxaa loo socdaa inay tahay kaabaddii looga gudbi lahaa waddadii deyn cafinta loo mari lahaa, waayo wali lama gaarin xataa qiimeynta deymaha sida dhabta dalka loogu leeyahay.
Tusaale dalka Ruusha waxaa deyntiisa lagu halbeegay lacagtii ay Midowgii Sofiyeti Isticmaali jirtay ee Ruble oo markaas lahaa dhaqaale iyo aad u xoog badan oo waxay rabaan in hadda dib loo qiimeyo sarifkasna lagu saleeyo. Ruusha waxay dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud u sheegeen inaysan hadda ku mashquulin deymaha dalka Ruushka uu ku leeyahay Somaliya ee ay ku mashquulaan sidii dalka dowlad dhiskiisa ay u horumarin layeen.
Tallaabada kaliya ee qiimaha badan ee ay dowladdaas Xasan Sheekh qaaday waxay ahayd inay joojisay kororkii ku socday dhamaan lacagihii dulsaarka ahaa oo maanta ka badnaan lahaa deynta lafteeda.
Haddaba Wasiir BB waxay Muqdisho Online u sheegeysay in muddo ah inuu beenta ka daayo dadka somaliyeed . MOL waxay ogeyd inuusan jirin wax deyn cafin la yiraahdo, hasa yeeshee uu Beyle khaldayey bulshada Somaliyeed oo inta badan aan xaqiiq ku saleyn qiimeynta waxa dalkooda ka socda kuwsoo mar waliba caadifad mucaaridnimo ama mid mu’ayidnimo uun iska qaata. Hasa yeeshee maanta waxay dhegahooda ku maqleen in afkii Beyle ee beenta daldali jiray ay run ka soo fakatay-Deyn Cafis Ma jiro
Somalida ha ogaato mana aha Beyle oo kaliya waxa shacbiga beenta u sheegi jiray welina ku wada waa dhammaan Dowladda NN oo ay Farmajo iyo Kheyre u horreeyaan.
Haddii ay shacbiga indha furanaan ku eegi lahaayeen Waxa uu Beyle akhrinayey afar sano ku dhowaad mar hore ayey fahmi lahaayeen in dalka dhammantiis been lagu wado. AAway intii wanaag ahayd oo uu Farmajo Ballanqaaday? Waxaa kaloo Halkaas ka muuqata in Barlamaankii uu dalka dayacay oo wasiirkaan iyo Madaxweynaha mar hore haddii la soo gole joojin lahaa oo la oran lahaa noo cadee sida waxan ay kuu suuragalayaan ama xataa Muqdisho Online akhrisan lahaayeen maanta wax badan ayey awoodi lahaayeen. MOL dhacdooyinka kuma eegto il mucaaridnimo ama mu’ayadnimo ee waxay ku eegtaa oo kaliya il waddanimo marka haddii aad dhibsato waxa ku qoran dib isugu noqo oo qiimeyn kale soo samee. Beyle, Kheyre iyo Farmajo waa beenoolayaal.
Isku soo duub waxaa muuqata in la soo gaaray xelligii ay kala furfuran lahaayeen NN oo ay is eedeyn lahaayeen , iyadoo wasiir waliba beentiisa uu cid kale rabo inuu muujiyo inay ka mas’uul tahay.Waxaa kaloo iyana soo baxaysa mar dhow in Barlamankan uu yahay kii ugu xumaa ee abid taariikhda dalka soo mara, maadama ilaa iyo hadda uusan ka warqabin inta heshiis ee MW Farmajo iyo dowladiisa ay saxeexeen oo dalka khater ku ah, waxaana rajeyneynaa in lagu ciqaabo xildhibaanada hadda jooga oo xataa la helo sharci dembi uga dhigaya dayacaa, waliba gudoonka inay dayaceen mas’uuliyadoodii la xisaabtanka dowladda.
Ugu dambeyn, nasiib wanaag Beentii Beyle iyadaa isa saxday oo deyn cafin ma jirto , waxaa lagu amaray Beyle inuusan mar dambe deyn cafin ka hadal, iyadoo Kheyre uu mar hore ka dhuuntay inuu ka hadlo deyn cafinta kadib markii loo sheegay inay been cad tahay oo lagu khaldayo shacbiga maadaama wax la qabtay oo lasheegan karaa aysan jirin intii ay dawladani jirtay waxay dumisay mooyaane.
Bal akhristow dhegahaaga ku maqal hoogga iyo beenta Beyle halkii ay ku dambeysay, waana inaad hadda baraarugtid oo dowladdaan dalka laga qabtaa waxaana Khasab ah inaad ka qeyb gashid.
Wasiir BB wuxuu ku Soo koobay hadalkiisa in waxaa hadda socda aysan ahayn deyn cafis balse ay tahay dalka oo dano siyaasadeed iyo kuwa betrool laga leeyahay oo kaliya. Waxana lagu yiri Annagu ayaa Somaaliya siineyno lacagaha loo yaqaanno “bridge loan” waa deynta la sii siiyo dal ama shakhsi inta uu ka dhameystirayo wajibadka uu ugu qalamayo deyn caadi ah. Dhibatadeeda waa tahay waa deyn leh dulsaar aad u sarreeya, lagana rabo dalka muddo gaaban, waana waxa lagu cuno hantidada dalalka aan dowladaha fiican lahayn. Arrintaan waxaa si xoog leh noogu riixaya hay’adaha Maaliyadda aduunka sida World Bank, AFDB iyo IMF si ay u hay’adahaasi u helaan lacagta arrears (deynta nagu ragtay) ah oo Soomaliya kaga maqan burburkii ka hor iyo ka diba.
Wasiir Beenlow aqoonyahamnada soomaaliyeed arrintaan we la socdeen balse adiga ayaa hadda ogaatay in beentaadii laga sal gaaray. Waxaa kaloo hadalkaaga ku dartay hadal aad ka soo amaahatay Bushkii weynaa ee USA “Read my Lips” oo ahayd oraah uu isticmaalay xelli uu been sheegayey tartartaana uu kula jiray ninki ka guuleystay ee Bill Clinton oo ku yiri MW dadka u cadee waxaad sheegeysid. Eraygaas wuxuu lagu yaqaan dadka beenta sheega waana eraygii uu Kursiga madaweynimada ku waayey sannadkii 1992 Bush father.
Beyle B wuxuu kaloo hadalkiisa ku caddeyney inaysan Soomaaliya deymo kale qaadan doonin, taasoo uu horey ugu andacoon jiray in Soomaaliya la siinayo deyn $ 700 million ah. Beyle waxaa habboon inaad xilka is casisho been beentii way dhammaatay, waxaana tiri “Ishii buktaay ku Bikaacso”, haddaba isha buktaa Waa taada ee ma ahan tan Muqdisho Online oo mar waliba ku lahayd dadka beenta ka dhaaf iyo tan aqoonyahanada Soomaaliyeed. Beyle beenlow waad fashilantay, faraqana waad buuxsatay ee is casil.