(Faahin Faahin) Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Qarax is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen MOL

Wararka ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyey maqaayad ku taalla inta u dhaxeysa xarunta taliska guud ee booliska gobolka Banaadir iyo sarta Jubba.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu jiro khasaare nafeed, balse tirada ramiga ah ayaan weli la hayn.

MOL ayaa toddobaad kahor 12-kii bishan qortay xog aan kasoo xiganay hay’adaha amniga oo sheegeysain Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 13 qof oo damacsan inay magaalada ka fuliyaan qaraxyo is-miidaamin ah.

Waxaa qaraxa ku dhintay ilaa shan qof dad ka badan 10 ayaana ku dhaawacmay