Wararka ka imaanaya degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qarax ayaa la sheegay inuu si gaar ah kaga dhacay inta u dhexeysa degmada Wanla-weyn iyo deegaanka Warmaxan, kaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa ku geeriyootay, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada sida gaar ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa ay baaritaano ka sameeyeen degmada Wanla-weyn iyo deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellada Hoose.