Faahfaahino kasoo baxaya qaraxii Muqdisho ka dhacay

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax noociisu uu ahaa kuwa gawaarida lagu dhejiyo oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Gaariga oo ahaa nooca raaxada gaar ahaan Hilux ayaa waxa uu ku qarxay inta u dhaxeysa Daarta MBC iyo Isgoyska Black Sea ee Magalada Muqdisho, waxaana la sheegay in Gaariga ay laheyd Jaamacadda SIMAD oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho.

Wararka ay MOL heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaasi uu ku dhintay Nin lagu Magacaabi jiray Maxamed Jeylaani oo ka tirsanaa Shaqaalaha Jaamacadda SIMAD,sidoo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas Sasdex ruux  oo ka Shaqeynayay maqaayad ku taalla halka uu qaraxa ka dhacay.

Xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan ah mid degan,waxana dib u furmay isku-socodka dadka iyo gaadiidka oo ay hakad geliyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda markii uu qaraxa dhacay.

Qaraxaan ka dhacay Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho ay xiran yihiin,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Madaxweynaha Jubbaland uu kusoo wajahan yahay Magalada Muqdisho.