Faahfaahino kasoo baxaya israsaaseeyn ka dhacday Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Israsaaseyn culus ayaa ka socota Isgoyska Tarabunka ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ganacsade ku sugan goob ganacsi ku taalla Agagaarka Tarabuunka ayaa warbaahinta u sheegay in ay dagaallamayaan Ciidamo hubeysan.

Ciidanka dagaallamaya ayaa qaarkood waxa ay yihiin ciidanka Booliska ee ku sugnaa Isgoyska ,haddana lama xaqiijinkaro waxyaabaha dagaalka keenay.

Lama ogga Kooxda hubeysan ee la dagaallameysaa Ciidanka Booliska ee ku sugnaa Isgoyska Tarabuunka.