Qarax miino oo lagu aasay Waddo marta xaafadda Xararyaale degmada Warta Nabada ee gobalka Banaadir ayaa la sheegaya in uu ka badbaaday Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Deyniile.
Waxa la shegaya in qaraxa ka dhacay degmada Warta nabada uu ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu aaso.
Sidoo kale Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka badbaaday Taliyaha Saldhigga Degmada Deyniile Macalim Faarax iyo Ciidan la socday, Gaariga Taliyaha ayaa la sheegay in uu ka hor gudbaday goobtaasi,
waxaana wararka qaar sheegayaan in ay jirto dhaawacyo firar ah oo soo gaaray Ciidan la socday Taliyaha.
Ilaa hadda ma jirto wax dhimasho ah oo qaraxaasi ka dhashay balse waxaa dadka deegaanka ay noo sheegeyn in ay jiraan dad ku dhaawacmay Qaraxaasi.