Faahfaahino kaso Baxaya Dil Xalay Koxo Ku Hubeysan Bastolado ay ugu geysteen Muqdisho Shaqaale Wasaaradeed

Reading Time: < 1 minute

Waxa faahfaahino dheeraad ah ay kaso baxayaan Dil Xalay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay Macalin Iskuul ugu geysten degmada Hodan ee gobolka Banaadir .

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Faarax, iyadoona Raggii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Marxuumkaasi uu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Dilalka Qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho aya sare u kacayay maalmihii danbe iyago kooxaha Dilka geysta ay isaga baxsadaan dilka ka dib goobta ay dilka ka fuliyeen.