Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa u dheexeyay Ciidamo Boolis ah iyo kuwa Milaretiri ah, waxaana uu ka dhacay degmada Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Iska hor imaadkan ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Boolisku ay isku dayeen in barakicin ay ka bilabaan nawaaxiga Haanta Dheer ee degmadaasi, taas oo keentya in ay isku dhacaan Ciidamo milateri ah oo daganaa halkaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in rasaas xooga Labada ciidan ay is dhaafsadeen taasi oo qal qal gelisay dadka deegaanka.
Waxaana uu sheegay in uu ku dhaawacamy mid ka mid ah saraakiishii ku sugneyd Xaafaddaasi.