Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi kooxo hubeysan ay ku dileen Haweenay ka mid aheyd dadka Magaalada Gaalkacyo.
Dilka haweeneyda ayaa loo adeegsaday Toorey sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.
Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in ay doonaayeen in ay ka dhacaan teleefankeda gacanta, waxaana la sheegay in muran ka dib in ay dhaawac culus ay gaarsiiyeen haweenayda.
Haweenayda ayaa la sheegay in loo cararay Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo,halkaasi oo ay ugu dambeyntii ku geeriyootay.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Gaalkacyo, waxaa kusoo batay kooxo hubeysan oo burcad ah kuwaasoo dilalka u geysta Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo.