Faahfaahin:-Wiil hooyadiisa 70 jir ah ku dilay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa soo baxaya wiil dhalin yaro ah oo hooyadiisa 70 jir ah ku dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wiilka falka geystay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabsiiye Caddaan, waxaa uuna dilka hooyadiisa uu adeegsaday  Toorreey ama Mindi, iyadoo uu soo kala dhex-galay muran la xariira dhul dhaxal ah oo uu dalbaday Wiilku in ay Hooyadii u iibiso, balse ay taa ka diidday, waxaana la sheegay in wixii intaas ka dambeeyay uu Hooyadii Mindi ku dilay sida ay sheegen dadka degaanka.

Markii uu falkaasi dilka iyo dhaawaca isugu jira geystay Cabsiiye ayaa waxaa goobta yimid ciidamada booliska degmada Kaaraan, halkaasi oo qeybaha danbe ee lugta kaga toogteen markii uu diiday inuu dhigo mindidada uu hooyadiis ku dilay kuna dhaawacay walaalahiis.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in wiilka dilay hooyadiisa uu Saacado kadib uu u geeriyooday dhaawacii ay u gaysteen ciidanka Booliska.