Faahfaahin:-wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degmada yaaqshiid Kooxo hubeysan ayaa halkaasi ku dilay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadka degaanka.

Dilka ayaa ka dhacay xaafada Suuq Xoolaha ee Degmada yaaqshiid , waxaana dilkiisa loo adeegsaday Bistoolad.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in kooxaha hubaysan ay ka baxsadeen halka ay dilka ka geeysteen

Kooxihii hubaysnaa ayaa meeshaasi ka baxsaday, waxayna horay u sii qaateen taleefoonkii uu watay marxuumka ay dileen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!