Faahfaahin: Tirada dadka ku dhintay qaraxa maanta oo sii kordhaysa (Video/sawiro)

Reading Time: 3 minutes

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee gudaha magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen Goobjoogayaal qaraxa ayaa ahaa mid xoogan kaas  si gaar ah loola bartilmaameedsaday bar- koontarool oo laga galo dhimshaa xarunta madaxtooyada, kuna ku taalla halkaasi.  Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

 Qaraxa ayaa waxa ku dhintay dad, wararka ayaana sheegaya in ay sii kordhayso dadka la sheegay in ay ku dhinteen qaraxa. Waxaa sidoo kale burburay gaadiid u badan kuwa raaxada iyo mootooyin nooca bajaajta oo xilligaas marayey isgoyska Ceelgaabta oo ah meesha uu qaraxu ka dhacay.

Gawaarida uu dhibka soo gaaray waxaa kamida Gaari uu lahaa imaamka beesha Abgaal Imaan Maxamed laakiin sida la sheegayo  imaamka ma saarmayan gaariga, intii saarneed waxba kuma noqon.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo faah faahin horudhac ah ka bixiyey qaraxa ayaa xaqiijiyey in loo adeegsaday gaari, wuxuuna intaasi ku daray inay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan inta uu gaariisanyahay khasaaraha ka dhashay is-miidaamintaasi.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana qoraal kooban oo ka soo baxay kooxda lagu sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaalada Muaqdisho ayaa ka soo daraysa maalinba maalinta ka danbeeysa. Waa qaraxii labaad oo muddo 24 saac gudaheed ka dhacaya caasimada, waxaana shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee Muqdisho.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!