faahfaahin:-Sargaal Lagu Dilay Magaalada Muqdisho!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay toogasho ku dishay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dabley ku hubeysan Bistoolado ayaa galabta degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Dheere, kana tirsanaa qeybta dembi baarista CID-da, waxaana markii ay dilka geysteen ay ka baxsadeen goobta.

Sarkaalka la dilay ayaa meydkiisa la keenay xarunta dembi baarista Booliska ee Muqdisho, iyadoo saraakiisha ciidamada booliska ay wadaan baaritaan ku saabsan dilka sarkaalkan oo ka mid ahaa saraakiisha sare qeybta baarista dembiyada ciidamada Booliska Soomaaliyeed.