Faahfaahin: Qaraxyada iyo Dagaalka ka socda Muqdisho (Qof ku dhex jira Halka Weerarka ka socda oo ka hadlay)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa faahfaahino laga helayaa Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Bar Kontarool ee Sayidka islamarkaana laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa qaraxa ka dib gudaha u galay OTTO OTA oo ah Goob ay dagan yihiin Wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Qof ka mid ah Shaqaalaha wasaaradda arimaha gudaha ayaa ii xaqiijiyay in dagaal ka socdo Gudaha wasaaradda Arimaha gudaha dad uu isaga ka mid yahayna ay dhaawacyo soo gaareen

Ragga gudaha u galay Wasaaradda ayaa ridaya Bambada gacanta laga tuuro, afaafka hore ee xarunta qarax kale ayaa ka dhacay, rasaas iska hor imaad ah ayaa socota.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha dhabta ee ka dhashay qaraxyadan iyo weerarka socda, waxaadna dib kala socon doontaan muqdisho.online