Faahfaahin:-Qarax Xalay ka dhacay Degmada Kaaraan!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maqribnimadii Xalay uu halkaasi ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay bartilmaameedkiisa inuu ahaa Gaari Ciidan oo wadada marayay, balse gaariga markii uu gudbay qaraxa dhacay.

Qaraxan oo ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Isluulka Godey ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo aanan waxba galabsan.

Dadka degaanka ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in qaraxan uu ku geeryooday Hal qof oo shacab ah, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna xireen wadada, iyaga oo halkaasi caawa ka wada baaritaano ku aadan sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan geystay.

Xalay ayay aheyd markii Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir qarax Miino lagula eegtay meel ku dhow Isgoyska Danwadaagta ee degmadaasi, Hal Askari ayaa uga dhaawacmay.