Faahfaahin:-Qarax ka dhacay Dulleedka Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya deegaanka Tareedisho ayaa sheegaya in laba askari ay geeriyootay laba kalena dhaawac yihiin kadib markii gaari ay saarnaayeen ciidamadaasi lala beegsaday Qarax miino oo marayay wadada ku taal deegaanka Tareedisho.

Askartan ayaa saarnaa gaari nooca raaxa ah waxay la socdeen gaari Cabdi Bila ah oo ka horeeyay lama oga in qarax ayaga lala damacsanay iyo in gaari Cabdi Bilaha lala beegsan rabay.

Ciidamada ayaa rasaas furay markii qaraxa miino dhacay kadib.

Dad goob joogyaal ah ayaa sheegay in ciidamada Qaraxa lala eegtay ay ahaayeen ciidamo Militeri ah.