Faahfaahin:-Qarax ka dhacay Dulleedka Kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan Wararka Muqdisho  Online ka heleeyso Deegaan dhaca Dulleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi qarax lagula eegtay Ciidamo ka Tirsan Kuwa Maamulka Jubbaland

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa wuxuu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ka ambabaxay magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday degaanka Cabdalle Biroole, wuxuuna qaraxa qabsaday gaari ay saarnaayeen ciidanka Jubbaland.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan lagu bartilmaameedsaday ciidanka Jubbaland, waxayna tilmaameen inay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidanka Jubbaland.

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen inay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan, waxayna tilmaameen khasaaraha dhankooda soo gaaray inuu yahay mid kooban.