Faahfaahin laga helay HUB ay dowladaha Qatar & IIRAAN geeyeen Dhuusamareeb. (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Dowladda Qatar ayaa shalay waxaa ay si lama filaan ah dayuuradd ciidan oo nooceeda yahay C-300 uga dejisey magaalada dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud

Sida loo goobjoogayaal ay MOL u xaqiijiyeen in diyaaradda ay laga dejiyay hub iyo saanad ciidan oo laga keeney IIRAAN, xogtan waxaa MOL la wadeegey sakaal ka dirsan Alhu Sunna iyo shaqsiyaad aad ugu dhow dhow Ra’iisul Wasaare kheyre.

Xogtan MOL ay heshey ayaa ah sidan Waxaa laga dejiyey diyaaradda hubka hoos ku qoran.

  • 620 Ak-47
  • 150 PKM
  • 110 PISTOLS
  • 210 RBG-7
  • 8,200 HAND GRENADE

Iyada oo ay Soomaaliya cunaqabateyn hubka ah ayaa si sharci daro ah la geeyay hubkaas gobolada dhexe, hase ahaa waxaa jira in hubka dowlada ay keensato lasoo mariyo Qaramada Midoobay si looga helo ogolaansho hubka ay u baahan tahay dowladda maadaama ay dagaal kula jirto Ururka Alshabaab.

Tani waxaa ay muujineysaa in dowladdaaha Qatar iyo iiraan ay dhibaatoiyin waaweyn ku hayaan dalka Soomaaliya, iyagoo hubeynaya ururka shiicada ah ee Ahlu Sunna iyo Qabiilo gaar ah, si dhibaatada Soomaaliya au u daba dheeraayo.

Fahad Yaasiin oo ah shaqsiga si gaarka ah ugu shaqeeya Dowlada Qatar ayaa waxaa uu si toos ah dhibaato ugu bilaabay gobalada dhaxe, isagoo adeegsanaya calooshood u shaqeystayaal ka soo jeeda deegaanada Galguduud iyo Mudug.