Guri uu degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ka deganyahay Taliyaha ururka 54-aad, guutada 7-aad militeriga Soomaaliya ayaa waxaa xalay ka dhacay laba qarax oo waaweyn, kuwaas oo loo maleynayo in gudaha guriga horay loogu diyaariyey.
Taliyaha saldhigga booliska degmada Wanllaweyn Maxamed Cabdulle Xasan oo la hadalay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in labada qaraxba ay ka dhaceen gudaha guriga sarkaalkaas ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo uu magaciisa ku soo koobay Halac.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in illaa lix qofood ay ku waxyeeloobeen qaraxaas, kuwaas seddax geeriyootay seddaxna ay dhaawac yihiin, dadkaasna dhamantood waa reerkii deganaa guriga iyo qaar ka mid ah ilaaladii salkaalkaas ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana qaraxyadaas ka badbaaday Taliyaha uu gurigiisa ka dhex dhacay.
Degmada Wanllaweyn ayaa waxaa ka jira dagaal beeleed in mudo ah ka taagnaa, oo bilihii lasoo dhaafay gaaray heer meydadka dadka la iska dilo la gobo, taas oo hey’adaha garsoorka dalku ay ku baxeen, in kastoo ay weli jirto colaadii u dhaxeysay beelihii ku dagaalamay halkaas oo aan weli si dhab ah aan xal looga gaarin khilaafkooda.
Sidoo kale Wanllaweyn waxay ka midtahay magaalooyinka gobolka Shabeellada Hoose ee kaabiga ay ku hayaan Al-Shabaab, isla markaana ay mararka qaar weerarrada ka geystaan, waxayna inta badan ciidamada dowladda ku weeraraan kolka ay marayaan wadooyinka soo gala.