Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.
Duqeynta ayaa la sheegay in ay ka dhacday degaanka Amreereey oo hoostaga degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalamayaasha lagu dilay duqeynta ayaa waxaa ay tiradooda gaaraysaa 17 dagaalme, halka madaxii maaliyada Jubbooyinka uqaablsan Al-shabaab lagu dilay duqeynta, kaasi oo lagu magacaabo (Shiikh Cabdulaahi Cali Aadan)
Saraakiil ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa warbaahinta ku hadasha afka Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in saraakiisha iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku sugnaayeen markii la duqeeynayay warshadii sonkorta ee mareereey halkaasi lagu dilay dhamaantood.