Qarax xooggan ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay irida hore School Boliisiya, oo ay degan yihiin ciidamada booliska Soomaaliya.
Dhawaqa qarax oo aad u xogganaa ayaa inta badan waxaa laga wada maqlay magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa Muqdisho Online u xaqiijiyay inay jiraan dhimasha iyo dhaawac badan.
Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa durba tagay goobta waxayna wadaan caawimaad loo fidinayo dhibanayaasha.
Qaraxan ayaa ah kii ugu horreeyey ee ka dhacay Muqdisho tan iyo markii ay dowladda xaalad deg deg ah Muqdisho gelisay.