Faahfaahin guri ku dumay caawa degmada Xamar-weyne magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Waxaa laga soo saaray dhowr ruux oo nool dhisme saddex dabaq ah oo caawa ku dumay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in loogaga soo saaro dhismaha hoostiisa dad badan oo ku jira kuwaasoo aan la ogeyn tiradooda.

Gurigan oo ku yaal agagaarka masjidka Marwaas ayaa waxaa lahaa qoyska mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federalka.

Lama oga sababta keentay inuu gurigan soo dumo hase yeeshee guryaha dabaqyada ah ee ku yaal degmada Xamarweyne ayaa u badan kuwo muddo dheer dhisnaa.