Faahfaahin: Gudoomiyaha Magaalada Baraawe oo Ka Badbaaday Iskuday Ay Al Shabaab ku Donayen In Ay Ku Qarajiyaan

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday guddoomiyaha magaalada Baraawe xilli ay ku socdaalayay gudaha degmadaasi.

Rag hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday Bambaanooyin ku weeraray guddoomiyaha waxaana la sheegay in dhaawacyo soo gaareen ciidamadii ilaalada u ahaa.

WararkaG ayaa sheegay in dirqi ah uu ku badbaaay guddoomiyaha Baraawe ee weerarka lagu qaaday waxaana loola cararay dhanka saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Ambareeso.

Weerarada Al Shabab ee Gobolka Shabeelaha Hoose aya qatar xoogan ku ah Masuliyiinta ka tirsan Maamulkasi.