Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa ammaanka gobolka Bari oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Weerarkaan oo loo adeegsadey bam gacmeed ayaa la sheegay in lagu beegsaday ciidamo goob baaritaan ay u ooleed agagaarka dowladda hoose ee degmada Boosaaso sida goob joogayaal warbfidiyeenka u sheegeen.
Weerarkaasi ayaa laamaha caafimaadku xaqiijiyeen inuu ku dhintay hal askari halka mid kale iyo labo ruux oo shacab ahna ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.