Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa qaraxii ka dhacay isgoyska Ceel-Gaabta

Reading Time: < 1 minute

Waxaa isa soo tarata macluumaadka laga helayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgooska Ceelgaabta oo xilligaasi u xirneed ciidamada ammaanka, waxaana wararku sheegayaan in qaraxa lala beegsaday gaari ay la socdeen qaar kamid ah ergo saakay soo dooratay xildhibaano kamid noqday kuwa gobolada Waqooyi matalaya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxu mar qura dhacay xilli isgooska ay joogeen ciidamo sidoo kale halkaasi marayay gaari bas ah ay la socdeen ergada, waxaana  goobta noqotay meel lagu kala cararo.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Col; Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxu fuliyay qof jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa, waxa uuna ka gaabsaday afhayeenka in uu faah faahiyo bartilmaameedka qaraxaasi. Cabdifitaax ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxa ay waxyeelo xoogan kasoo gaartay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dhanka kale xog ay heshay MOL ayaa sheegaya in is-miidaamiyaha uu beegsaday ciidamo ku sugnaa goobta iyo gaari la sheegay inay saarnaayeen ergey ka mid ah kuwa qayb galaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee ka socota caasimadda.

Wadada uu qaraxu ka dhacay ayaa xirneyd, sababo la xiriira doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Dugsiga Tababarka  Booliska Janeraal Kaahiye. Sidoo kale waxaa meesha uu qaraxu ka dhacay ku taalla bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, isla-markaana lagu hubiyo gaadiidka galaya Villa Soomaaliya.