Faahfaahin:-Dagaal ka dhacay Dulleedka Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka Dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-Shabaab,

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku soo qaadeen Fariisin ciidamo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin Xaafada lagu Magacaabo Arbacoow oo ka tirsan deegaanka Ceelaha Biyaha.

Weerarka madaafiicda ah kadib waxaa dadka deegaanka ay sheegeen in la maqlay rasaas labada dhinac ay isku ridayaan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama xilli habeen ah ay tahay,isla markaana ay adag tahay in la ogaado khasaaraha labada dhinac iyo dadka shacabka ah intaba ka soo gaaray dagaalka.

Xaalada kacsanaan ah ayaa Saakay  ka jirta deegaanka Ceelasha biyaha,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in ay cabsi dareemayayaan.