Faah faahin:Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo lagu dilay Baay

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Baay waxa ay dileen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Sidda ay  xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed howlgalka ayaa ka dhacay degaanka Barariye oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Degmada Buurhakaba.

Ninka howlgalka lagu dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Abuu Qudaama.

Abuu Qudaama ayaa ahaa madaxii maaliyadda ee Ururka Al Shabaab ugu magacawnaa degaanada hoostagga Degmada Buurhakaba, sidda ay xaqiijiyeen Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada oo toogasho ninkaasi ku dilay ayaa horey uga soo qaatay qori AK47 iyo bastoolad, iyadoona ay dib ugu laabteen halkii ay ka ruqaansadeen oo ah Buurhakaba.