Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen in dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho taliyihii ciidamada Ammaanka ee degankaasi.
Waxaa ay sidoo kale sheegteen in ay ku dileen Weerar Gaadmo ah, islamarkaana ay ka qaateen Gaari uu watay sidoo kalena ay dileen mid ka mid ah Ilaaladiisa.
Ninkii ay sheegteen Shabaab in ay dileen ayaa lagu Magacaabi jiray Col.Mustafa Beer Dilaacshe.
Qaar ka mid ah dadka kunool degaanka Ceelasha Biyaha ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xalay labo ruux lagu dilay degaankaasi.
Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qofka la dilay uu ahaa Sarkaal, laakiin uusan aheyn taliyaha degaanka.