Qarax khasaaro kala duwan dhaliyay ayaa goordhow ka dhacay goob ku dhow EX-Contarol Afgooye ee Magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayen Ciidamo ka tirsan kuw adowlad Fedaraalka ee Soomaaliya.
Goobjooge ku sugan Ex-Contarol Afgooye oo ay bar koontarool ku leeyihiin Ciidamo katirsan dowalda Soomaaliya ayaa inoo sheegay in meel ay klu sugnaayen ciidamada uu ka dhacay Qarax nuuciisu ahaa Miiinada nuuca dhulka lagu aaso.
Inta la xaqiijiyay Qarax hal askari ayaa ku dhintay iyadona labo askari oo kale uu ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ayaa tagay mesha uu Qaraxa ka dhacay, waxaana la sheegay inay halkaasi ka sameyen baaritaano,ay ku baadi goobayaan dadkii ka danbeeyay Qaraxa.