Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii qof shacab ah ku dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.
Sida ay Xaqiijiyeen Dadka Degan Degmada Afgooye kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday.
Dilka ayaa Xalay ka dhacay xaafada Xaawo tako ee degmada Afgooye kaasi oo ka mid ahaa Ardayda wax ka barata Jaamacadaha Dalka.
Jimcihii aan ka soo gudubnay ayaa Degmada Afgooye waxaa ka dhacay weerar Ismiidaamin ah oo lala beegsaday ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya fadhiisimo ay ku lahaayeen degmadaasi, weerarkaas ayaa khasaaro waxuu ka soo gaaray ciidamadii lala Eegtay iyo dad shacab ah, mas`uuliya weerarkaas ayaa waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab.