Faah Faahino Kaso Baxaya Qarax Saakay Ka Dhacay Magalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdishi aya shegaya in agagaarka Xarunta Hay’adda Unicef ay ku leedahay degmada Waaberi uu ka dhacay qarax lo adegsaday Gaari.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu lahaa Shaqsi u Shaqeynayay dowaldda Soomaaliya balse aan weli la xaqiijin halka uu sida rasmiga uga shaqeynayay,isla markaana aan wax khasaaro ah kas oo gaarin qaraxaas.

Dad ka agdhaw Xaafada Unicefta ayaa iyana waxa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba ruux oo uu mid ka mid ah yahay taliye ku xigeenka Ciidanka Nabadsugida degmada Waaberi iyo qof kale oo Shacab ah.