Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Xuseen Barre Maxamed (Xuseen Jeex) ayaa Faah-faahin ka bixiyey qarax lala eegtay gaari ay la socdeen dad rayid ah kaasi oo marayay tuulo la yiraahdo Feesdaan oo hoos timaada Degmadda.
Gudoomiye Jeex ayaa sheegay in qaraxaas Al-shabaab ay si ula kac ah ay ula beegsadeen gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad rayid kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday kadib markii ay gaari haleeshay Miino Nuuca gacanta laga hago ah oo dhulka lagu aasay.
Dhankale Gudoomiyaha ayaa beeniyey in meesha qaraxu uu ka dhacay uu marayey gaari ay leeyihiin Ciidamada Dowladda waxa uuna xusay qaraxaas loogu talogalay dad rayid ah sida ka muuqata meesha lagu aasay oo ay maraan gaadiidka Shacabka oo kaliya.