Reading Time: < 1 minute

Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan Gudoomiye Waaxeed Xalay la gau Dilay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaan uu Gudoomiye ka ahaan Waaxda Garsoor laanta Shanaad Waxaana lagu Magacaabi jiray cabdiramaan Nuur Gurey gees diir.

Sidoo kalle waxa ay dhaawac u gaysteen Shaqsi la socday Gudoomiyha la dilay waxaan Dhaawaca Shasigaa hada xaaladiisa lagula tacaalay mid ka mid ah Istibaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dilka ka dib ayaa waxaa goobta soogaaray Ciidamada Amaanka Magaalada Gaalkacyo waxa ayna baaritaano lagu baadi goobayo shaqsiyaadkii Dilka gaystay ka fuliyeen Xaafadaha Magalada mana jirto ilaa iyo hada Cid loosoo qabtay Dilka Gudoomiaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here