Faah Faahino ka so baxaya Is Rasaaseyn ka Dhacday Degmada Balcad ee Gobolka Shabelaha Dhexe

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askartii ka dambeysay Iska hor imaad shalay ka dhacay degmadaasi.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in laba Askari oo ka dambeysay falkaasi Ciidamada ammaanku ay gacanta ku soo dhigeen.

Waxaana uu xusay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Askartaasi oo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale Qaasim Cali Nuur Guddoomiyaha degmada Balcad ayaa beeniyay in Ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi ay la kala safteen labadaasi Askari ee isku Rasaaseeyay gudaha degmadaasi.

Degmada Balcad aya ka mid ah deeganada G/Shabelaha Dhexe kuwoda xaaladooda amanka ay liidato iyado weerarada Al Shabaab ee Degmadaasi ay soo laab laabtaan.